HomeWararOlole loogu jiro xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka socda Muqdisho

Olole loogu jiro xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka socda Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Magalada Muqdisho waxaa haatan siweyn looga dareemayaa qaban qaabada ku aadan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la filayo in ay dhacdo Maalinta Isniinta ah oo ku beegan 30 Bisha 4 ee Apriil Sanada 2018. Musharixiin ilaa 11 gaaraya oo dhammaantood xildhibaano ah ayaa xilkaas u taagan kuwaas oo qaarkood iska casilay xilal Wasiirnimo oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magalada Muqdisho waxaa haatan siweyn looga dareemayaa qaban qaabada ku aadan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la filayo in ay dhacdo Maalinta Isniinta ah oo ku beegan 30 Bisha 4 ee Apriil Sanada 2018.

Musharixiin ilaa 11 gaaraya oo dhammaantood xildhibaano ah ayaa xilkaas u taagan kuwaas oo qaarkood iska casilay xilal Wasiirnimo oo muhiim ahaa sida Wasiirkii Gaashaandhigga oo uu iska casilay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Xubno wasiiro ku xigeen ahaa.

- Advertisement -

Hoteelada Waaweyn ee Magalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa doorashada iyo sida ay olole u wadaan musharixiinta xildhibaannada ah ee Isniinta soo socota ku hardami doona tartanka adag ee loogalayo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Hoteelada Waaweyn ee Magalada Muqdisho ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay kulamo olole u badan oo ay musharixiinta la yeelanayaan Xildhibaannada si mid walba uu u soo jiito.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa su’aalo farabadan iska weeydiinaya masuuliyiinta xilalka muhiimka ahaa qaarkood iska casilay ma u qeybsamaa hal xil maadaama waxa ay xilkoodii uga tegeyn uu yahay hal xil kaliya.

- Advertisement -

Musharixiinta xilkaan u taagan ayaa waxaa ku jira Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur(Aadan Madoobe) oo mar soo noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo rag kale oo miisaan qaarkood ku dhex leh dowladda hadda jirta.

Hadaba Hoos Ka Akhriso Magacyadooda oo dhameystiran 11-ka Musharax.

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

8- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

11-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts