HomeCaalamkaKanada oo 18 million oo Dollar ugu deeqday Somalia

Kanada oo 18 million oo Dollar ugu deeqday Somalia

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka Muhaajiriinta, Qaxootiga iyo Muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen ayaa shalay ku dhawaaqay inay Somalia siinayaan Kalamo dheeraad ah oo dhan 18 million oo Dollar oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku nool Somalia, kuwaasi oo wajahaya Macluul, Barakac, Cudduro, Ammaan La’aan iyo  kuwa xoolahooda ku waayey Colaadaha weli socda, Abaaraha iyo […]

- Advertisement -

Wasiirka Muhaajiriinta, Qaxootiga iyo Muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen ayaa shalay ku dhawaaqay inay Somalia siinayaan Kalamo dheeraad ah oo dhan 18 million oo Dollar oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku nool Somalia, kuwaasi oo wajahaya Macluul, Barakac, Cudduro, Ammaan La’aan iyo  kuwa xoolahooda ku waayey Colaadaha weli socda, Abaaraha iyo Masiibooyinka Dabiiciga.

Wasiirka oo asal ahaan Somali ah waxa kale oo uu tilmaamay in Kaalmadan Cusub lagu wareejin doono Hay’addaha qM, Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas iyo Ururradda aan Dowliga ahayn si ay dadkaasi u gaarsiiyaan Adeegyadda Caafimaadka, Biyaha, W/barashadda iyo Nafaqaynta iyo Badbaadinta Carruurta.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiirka Muhaajiriinta, Qaxootiga iyo Muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen waxa uu tilmaamay inay Colaadaha iyo Masiibooyinka Dabiiciga cabsi ku hayaan Nolosha Malaayiin qof oo Somali ah.

Waxa uu qiray in Kaalmadda Aadminimadda ay taageri doonto baahida dadka nugul iyo in la hubiyo inay gaaraan dadka sida degdegga ugu baahan.

Sannadkii 2017-kii, Dowladda Kanada waxay Somalia ugu deeqday 29 million oo Dollar oo loogu talagalay Baahida Samafalka ee ka jirta Somalia.

- Advertisement -

Sidoo kale, Dowladda Kanada waxay sannadkii hore  taageero Samafal u fidisay hal million oo Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo ku nool dalal ku yaalla Geeska Afrika.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories