HomeWararFaah faahin dil xalay ka dhacay M/Muqdisho

Faah faahin dil xalay ka dhacay M/Muqdisho

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Wiil dhalinyaro ah ugu geysteen Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Wiilka la dilay uu ka mid ahaa Wadayaasha Mooto bajaajta Magalada Muqdisho,isla markaana xilliga la tooganayay uu ku sugnaa busteejada […]

- Advertisement -

faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Wiil dhalinyaro ah ugu geysteen Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Wiilka la dilay uu ka mid ahaa Wadayaasha Mooto bajaajta Magalada Muqdisho,isla markaana xilliga la tooganayay uu ku sugnaa busteejada gawaarida laga raaco ee Xaafada Suuqa Xoolaha.

- Advertisement -

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa mudo hal Saac kadib ah gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,iyaga oo sameeyey baaritaano in kastoo aysan weli Dad u soo qaban.

Ehelada darawalka mooto bajaajta ayaa yimid goobta, iyaga oo qaaday meydka Wiilkooda.

Weli Lama oga sababta loo dilay wiilkaas iyo cida ka dambeysa intaba.

- Advertisement -

Muqdisho ayaa degmooyinkeeda inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo badankood ay sheegtaan masuuliyadooda Al-Shabaab mana jirta cid gacanta ku dhigta dadka ka dambeeya dilalkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories