HomeCaalamkaUganda oo sheegtay inaysan Ciiddankooda iska difaaci karin Al-Shabaab

Uganda oo sheegtay inaysan Ciiddankooda iska difaaci karin Al-Shabaab

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Rubakuba Muhoozi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor ee ka soo baaxa magaalladda Kampala, wuxuuna si aan mugdi lahayn u muujiyey in Ciiddankooda loo daabulay Somalia si ay ula dagaalamaan Alshabaab inay go’doomeen. Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Uganda soo […]

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Rubakuba Muhoozi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor ee ka soo baaxa magaalladda Kampala, wuxuuna si aan mugdi lahayn u muujiyey in Ciiddankooda loo daabulay Somalia si ay ula dagaalamaan Alshabaab inay go’doomeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Uganda soo wajahday hoos-u-dhac Maaliyadeed, Loojistikada oo ku yaraatay iyo muran ka dhex jira Ciiddanka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Ciiddanka DFS awood lahayn, iyadoo xitaa Deegaanadii ay horey u joogeen haatan la wareegeen Ciiddanka AMISOM.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inaysan Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM weerar ku qaadi Karin Alshabaab, isla markaana ay mar hore burbureen qaar ka mid ah Saldhigyadda Aagga hore ee ay ka hawl-galaan.

Waxa kale oo uu walaac ka muujiyey xeelladda ay Alshabaab u adeegsadaan Miinooyinka nooca loo yaqaano (IEDs), wuxuuna tilmaamay inay ka fekerayaan qaabab kale oo ay ku yareyn karaan Khasaaraha ay kala kulmaan Qaraxyadda Alshabaab.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Rubakuba Muhoozi waxa uu xusay inay Ciiddanka AMISOM Badbaadi karaan, isla markaana hawl badan ka qaban karaa Aagga hore ee Dagaalka, haddii ay helaan Helikoptarada Dagaalka, loona ballan qaado maalgelin iyo Sahayda Loojistikada, waa sida uu hadalka u yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Uganda waa dalkii ugu horreeyey ee Ciiddamo u soo dira Somalia sannadkii 2007-kii, waxayna Ciiddankooda yihiin kuwa ugu badan Ciiddamadda kale ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories