HomeCaalamkaSawirro:-Muwaadin Somali-Canadian muddo 11-sanno ku xirnaa Ethiopia oo dib ugu laabtay Kanada

Sawirro:-Muwaadin Somali-Canadian muddo 11-sanno ku xirnaa Ethiopia oo dib ugu laabtay Kanada

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Bashiir Makhtal Daahir oo 49-jir ah ayaa bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsi ku yaalla Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, isagoo ku xukunaa Xabsi Daa’in. Bashiir Makhtal waxa uu  xalay ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Pearson International airport  ee magaalladda Toronto ee dalka Kanada, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Qoyskiisa iyo […]

- Advertisement -

Bashiir Makhtal Daahir oo 49-jir ah ayaa bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsi ku yaalla Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, isagoo ku xukunaa Xabsi Daa’in.

Bashiir Makhtal waxa uu  xalay ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Pearson International airport  ee magaalladda Toronto ee dalka Kanada, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Qoyskiisa iyo Qareenkiisa, LORNE WALDMAN oo si gaar ah u sheegay inaysan jirin caddaymo muujinaya oo ay Ethiopia soo bandhigtay.

- Advertisement -

Wareysi uu siiyey Telefishinka Kanada ee CBS ayuu Qareenku ku sheegay inuu Bashiir Makhtal yahay Nin birri-ma-geyda ah, oo si sharci-darro ah u xirnaa.

Waxa uu intaasi ku daray in Isbedelka ka dhacay Ethiopia laga yaabo inay soo dedejisay Sii-daynta Bashiir Makhtal iyo Maxaabiis kale oo ku xirnaa Xabsiyadda Ethiopia.

Bashiir Makhtal waxaa Bbishii December 30-dii ee sannadkii 2006-kii lagu xiray magaalladda Nairobi, ee dalka  kenya,   xilli uu Socdaal Ganacsi ku  yimid Somalia, waxayna Ciiddanka Kenya ku wareejiyeen Dowladda Ethiopia sannadkii 2007-dii.

- Advertisement -

Maxkamad ku taalla magaalladda Addis Abeba ayaa Bashiir Makhtal la soo taagay sannadkii 2009-kii, waxayna Maamulayaasha Ethiopia ku soo eedeeyeen inuu xubin ka yahay Jabhadda Xorreynta Soomaalida Ethiopia ee ONLF.

Bashiir Makhtal awoowgiisa  ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Halgamayaasha Jabhadda ONLF ee dagaalka Gobanima-doonka ugu jirta sidii ay Xorriyad u heli lahaayeen Soomaalida ku nool dhulka Soomaali Galbeed ee ay Ethiopia xoogga ku haysato.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories