HomeCaalamkaMaxaa ka jira in qeyb ka mid ah Ciidamada AMISOM ee jooga...

Maxaa ka jira in qeyb ka mid ah Ciidamada AMISOM ee jooga Somalia la geynaayo Yaman?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga ee dalka Uganda, Okello-Oryem iyo Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire waxay si kulul u beeniyeen warar sheegaya inay Uganda ciiddamo u dirayso dalka Yemen, si ay u bedelaan Ciiddanka Suudaan ee qeybta ka ah Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee dagaalka kula jira Kooxda Xuutiyiinta. Beenintaasi ayaa timid, kadib, markii Shabakadda Wararka eeArab21 oo […]

Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga ee dalka Uganda, Okello-Oryem iyo Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire waxay si kulul u beeniyeen warar sheegaya inay Uganda ciiddamo u dirayso dalka Yemen, si ay u bedelaan Ciiddanka Suudaan ee qeybta ka ah Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee dagaalka kula jira Kooxda Xuutiyiinta.

Beenintaasi ayaa timid, kadib, markii Shabakadda Wararka eeArab21 oo laga leeyahay dalka Masar daabacday inay Uganda qorsheynayso inay 8,000 oo Askari u diraan dalka Yemen.

Shabakadda Arab21 waxay qortay inay Dowladaha Uganda iyo Imaaraadka Carabta u socdaan Wada-xaajood si Ciiddamo ka socdo Uganda loogu xoojiyo Hawlgalka lagula jiro Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto.

Shabakadda Arab21 waxay kaloo daabacday in Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Al-nahyaan ayaa qorsheynaya inuu booqdo dalka Uganda, si loo saxiixodhowr Heshiis, oo ay ku jirto in 8,000 oo Askar Ugandese ah oo loo daad-gureeyn doono dalka Yaman.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories