HomeCaalamkaDowladda Malaysia iyo Dhaqdhaqaaqa XAMAAS oo ka hadlay Nin Falastiini ah oo...

Dowladda Malaysia iyo Dhaqdhaqaaqa XAMAAS oo ka hadlay Nin Falastiini ah oo lagu dilay caasimadda dalkaasi

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Boliska dalkaasi ayaa xaqiijiyey inay 2 nin oo hubeysan toogteen Faadil Maxamed Al-batash oo ahaa Aqoonyahan Jamaacadeed oo u dhashay Falastiin, xilli uu ku sii jeeday Masjid ku yaalla Degmadda Gombak  ee duleedka Kuala Lampur. Faadil Maxamed Al-batash oo 35-jir ah ayaa la sheegay inay toogteen Rag xubno ka ah Hay’adaha Sirdoonka ee shisheeyaha, sida […]

- Advertisement -

Boliska dalkaasi ayaa xaqiijiyey inay 2 nin oo hubeysan toogteen Faadil Maxamed Al-batash oo ahaa Aqoonyahan Jamaacadeed oo u dhashay Falastiin, xilli uu ku sii jeeday Masjid ku yaalla Degmadda Gombak  ee duleedka Kuala Lampur.

Faadil Maxamed Al-batash oo 35-jir ah ayaa la sheegay inay toogteen Rag xubno ka ah Hay’adaha Sirdoonka ee shisheeyaha, sida uu sheegay Ku=xigeenka Ra’isul-wasaaraha Malaysia, Axmed Zaahid Zamidi.

- Advertisement -

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka u faafiya Malaysia ee BERNAMA waxa uu tilmamaay inuu rumeysan yahay inay Eedeysanayaasha dilka geystay ay u muuqaal ekaayeen dadka Reer Europe, kuwaasi oo xiriir la lahaa Hay’ad Sirdoon oo shisheeye ah.

Taliyaha Boliska dalkaasi, DATUK SEERI MANSOOR LAZIIM waxa uu isagana sheegay in 2-da nin ee dilka geystay ay muddo 20-daqiiqo ku sugayeen Marxuumka meel ka soo horjeeda Dhismooyin la deggan yahay EE Deegaanka Setapak, ka hor intaysan ka tooganin Madaxa iyo Saabley.Taliyaha waxa uu intaasi ku daray in ugu yaraan 10 xabbadood lala dhacay Marxuumka, oo isla goobtii ku geeriyooday.

Danjiraha Maamulka Falastiin u jooga dalka Malaysia, ANWAR ALAQA o ola hadlay Wargeyska

- Advertisement -

The New Straits Times ayaa sheegay inuu Marxuumku ahaa Iimaamka 2-aad ee Masjidka lagu ag dilay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Faadil Maxamed Al-batash ku noolaa dalka Malaysia muddo 10-sanno, isla markaana uu Barre ka ahaa mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla dalkaasi.

Marxum Faadil Maxamed Al-batash ayaa la dilay xilli uu Salaadda Subax ku soo tukan lahaa Masjidka.

Marxuumka ayaa la filayey inuu shalay u dhoofo dalka Turkiga, oo uu kaga qeyb geli lahaa Shirweyne.

Marxumka waxa uu ifka kaga tegay 3-carruur iyo hooyadood.

Dhinaca kale, Aabaha dhalay Marxuumka oo la hadlay Telefishinka ALZEERA waxa uu ku eedeeyey dilka Wiilkiiisa inay ka dambeeyeen Hay’adda Sirdoonka Yuhuuda ee MOSSAD.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Malaysia inay qadaan Baaritaan sida ugu dhaqsaha badan, si loo soo qabto Dembiilayasha dilay Wiilkiisa, Marxuum Faadil Maxamed Al-batash.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Hasiim Qaasim waxa uu xaqiijiyey inuu Marxuumka xubin ka ahaa Dhaqdhaqaaqa XAMAAS

Qoraal ay XAMAAS soo dhigeen barta ay ku leeyihiin TWITTER-ka waxay ku sheegeen inuu Marxuum Faadil Maxamed Al-batash ahaa Aqoonyahan da’ yar oo ka soo jeeda Deegaanka Jabaliyah ee Waqooyiga Marinka Qasa.

 

Waxay kaloo sheegeen inuu ahaa Shahiid taageero badan u fidiyey Qeybta Tamarta ee Ururka XAMAAS.

Hay’adda Sirdoonka MOSSAD ee Yuhuudda ayaa lagu tuhunan yahay inay ka dambeeyeen dilak Marxuumkaas.

Bishii December ee sannadk 2016-kii, Khabiir Falastiini oo lagu magacaabo Maxamed Al-zawaari kuna takhasusay samaynta Diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee DRONES-ka ayaa lagu dilay dalka Tunisia.

Ururka XAMAAS waxay ku eedeeyeen Sirdoonka Yuhuudda inay ka dambeeyeen dilkaasi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories