HomeCaalamkaAmnesty International oo ka dayrisay Xabsiyadda Ethiopia, kana hadashay siideyntii Bashiir Makhtal

Amnesty International oo ka dayrisay Xabsiyadda Ethiopia, kana hadashay siideyntii Bashiir Makhtal

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhaweeysay Tallaabadii lagu sii daayey Bashiir Makhtal Daahir oo isaga bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsiga, isla markaana uu  xalay dib ugu laabtay magaalladda Toronto ee dalka Kanada. Xoghayaha Guud ee Xafiiska  Hay’adda Amnesty International ee Kanada, dalka Kanada Alex Neve waxa uu tilmaamay […]

- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhaweeysay Tallaabadii lagu sii daayey Bashiir Makhtal Daahir oo isaga bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsiga, isla markaana uu  xalay dib ugu laabtay magaalladda Toronto ee dalka Kanada.

Xoghayaha Guud ee Xafiiska  Hay’adda Amnesty International ee Kanada, dalka Kanada Alex Neve waxa uu tilmaamay in ay sii dayntiisa guul u tahay Xuquuqda Aadanaha, kadib, markii uu Bashiir Makhtal si aan sharci ahayn ugu xirnaa Ethiopia muddo 11-sanno.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Kumanan ka tirsan Taageerayaasha Hay’adda Amnesty International u ololeeyeen sii-daynta Bashiir Makhtal, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyey xubnaha Jaalliyadda Soomaalida, Qareen LORNE WALDMAN iyo qof kasta oo saxiixay Bayaankii lagu codsanayey in lagu sii daayo Bashiir Makhtal.

Xoghayaha Guud ee Xafiiska  Hay’adda Amnesty International ee Kanada, dalka Kanada Alex Neve waxa uu ka dayriyey xaalladda guud ee Xabsiyadda Ethiopia, isagoo  sheegay inay Maxaabiista si joogto ah loogu jir-dilo, isla markaana waqti dheer la iskaga hayo Xabsiyadda.

Dhinaca kale, Boqolaal ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida Kanada waxay si wadajir ah u soo dhaweeyeen Bashiir Makhtal oo isagu xalay dib ugu laabtay dalka Kanada, isagoo la socday Diyaarad ka timid Addis Abeba, taasi oo  soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ee PEARSON AIRPORT ee magaalladda Toronto.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories