HomeCaalamkaWasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalka Suudaan oo xilka laga qaaday

Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalka Suudaan oo xilka laga qaaday

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha dalkaasi, Cumar Xsaan Al-bashiir waxa uu xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Ibraahim Qanduur, kadib, markii uu Wasiirka si kulul u naqdiyey Xaalladda Maaliyadeed ee Diplomaasiyiinta dalkaasi u jooga dalalka Caalamka. Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Suudaan ee SUNA  ayaa baahisay Qoraal kooban oo lagu sheegtay Wareegtadda Madaxweynaha ee Xilka looga qaaday Wasiir Ibraahim […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalkaasi, Cumar Xsaan Al-bashiir waxa uu xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Ibraahim Qanduur, kadib, markii uu Wasiirka si kulul u naqdiyey Xaalladda Maaliyadeed ee Diplomaasiyiinta dalkaasi u jooga dalalka Caalamka.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Suudaan ee SUNA  ayaa baahisay Qoraal kooban oo lagu sheegtay Wareegtadda Madaxweynaha ee Xilka looga qaaday Wasiir Ibraahim Qanduur.

- Advertisement -

Xil-ka-qaadistan aya timid, kadib, markii uu Wasiirkaasi khudbad ka jeediyey Barlamaanka Suudaan, isagoo sheegay inaaysan Diplomaasiyiinta Safaaradaha Suudaan wax mushaar ah la siinin 7-dii bilood ee la soo dhaafay.

Waxa uu ku eedeeyey Saraakiisha Bangiga Dhexe ee Suudaan inaysan dirin Mushaaraadka Diplomaaiyiinta Safaaradaha Suudaan ku leedahay dalalka Caalamka.

Wax faahfaahin rasmi ah lagama bixinin Xil-ka-qaadistaasi oo lagu dhawaaqay saacado kadib, markii uu Madaxweyne Albashiir ka soo laabtay dalka Sacuudiga, mana kala cadda qof beddeli doono Wasiirka xilka laga qaaday.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Ibraahim Qanduur waa Diplomaasi muhiim ahaa xal-u-helista Xiisadihii dalka Suudaan kala dhexeeyey Masar iyo Ethiopia, wuxuuna gacan ka geystay sidii ay Dowladda Maraykanka xayiraadda uga qaadi lahayd dalkiisa Suudaan.

Waxa uu udub-dhexaad u ahaa Wada-xaajoodka Dowladaha Suudaan iyo Ethiopia ee qeybsiga Biyaha Webiga Niil, iyadoo ay Dowladda Ethiopia ka dhistay Webiga Niil biyo-xireen weyn iyo Mashruuc Koronto.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories