HomeCaalamkaWasaaradda Waxbarashada oo shaacisay tirada u fariisin doonta imtixaanada mideysan ee dugsiyada...

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay tirada u fariisin doonta imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Wasiiru dolaha wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaraddu ay go’aamisay in 19-bishaan la qabto imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka, islamarkaana ay u fariisan doonaan 27-kun oo arday oo qaarkood ku galaya gobolada dalka. Wasiiru dowlaha Waxbarashada dalka ayaa sheegay in 21-kun oo kamid ah ardayda ay ku gali doonaan gobolka […]

- Advertisement -

Wasiiru dolaha wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaraddu ay go’aamisay in 19-bishaan la qabto imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka, islamarkaana ay u fariisan doonaan 27-kun oo arday oo qaarkood ku galaya gobolada dalka.

Wasiiru dowlaha Waxbarashada dalka ayaa sheegay in 21-kun oo kamid ah ardayda ay ku gali doonaan gobolka Banaadir, halka 6-kun ee kalena ay ku gali doonaan qaar kamid ah gobolada dalka.

- Advertisement -

“Dowlad goboleedyada shirkii aan ku yeelanay Dhuusamareeb waxaan u sheegnay in 19-ka May uu dhici doono Imtixaanka, waxaan u bandhignay kormeerayaashii 27-kun ayaana u fariisan doonta”ayuu yiri Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle.

Wasiiru dowlaha Waxbarashada Soomaaliya ayaa tilmaamay in si aad ah loo xoojiyey nidaamka Imtixaanka, islamarkaana kormeerayaal wasaaraddu ay soo xushay ay si gaar ah ula socon doonaan Imtixaanada dhacaya 19-ka Bisha May.

Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Wasiiru dowlaha Waxbarashada Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in wasaaraddu ay hormarineyso Maktabadda Qaranka oo qeyb kamid ah la howlgaliyey.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories