HomeCaalamkaDhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Ciidamadii ay tababartay imaaraadka+Sawirro

Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Ciidamadii ay tababartay imaaraadka+Sawirro

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidammada ay tababareen walaalaha Imaaraadka Carabta oo loogu magac daray guutada Daljir kaddib markii maanta Kuliyadda Tababarada ciidammada ee Jeneraal Goordan uu kormeeray Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah  ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada […]

- Advertisement -

Ciidammada ay tababareen walaalaha Imaaraadka Carabta oo loogu magac daray guutada Daljir kaddib markii maanta Kuliyadda Tababarada ciidammada ee Jeneraal Goordan uu kormeeray Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah  ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Guutadan ayaa loogu magac-daray Daljir, waxa ayna qeyb xoog leh ka qaadan doonaan  howlgallada ciidanka milatariga Soomaaliya ay wadaan.

Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo kormeeray Kuliyadda Jeneraal Goordaan ayaa shaaciyey in Qalab kala duwan oo ciidan iyo xarumo caafimaad lagu diyaariyey Kuliyadan isla markaana xarun ay u sii ahaan doonto Guutada Daljir ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidammada Daljir ee Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa loo dhameystiray qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen oo ay dowladda Soomaaliya  uga  mahad celisay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka kana Daawo  Sawirrada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories