HomeCaalamkaDFS oo ugu baaqday Shirkadda DP World inay dib uga fekeraan Heshiisyadda...

DFS oo ugu baaqday Shirkadda DP World inay dib uga fekeraan Heshiisyadda Dekeddaha ee Somalia

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in loo baahan yahay Shirkadda DP World oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka inay dib uga fekeraan Qandaraaska ay  la galeen Maamulka Somaliland. Waxa uu Shirkadda DP World  ku booriyey inay DFS […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in loo baahan yahay Shirkadda DP World oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka inay dib uga fekeraan Qandaraaska ay  la galeen Maamulka Somaliland.

Waxa uu Shirkadda DP World  ku booriyey inay DFS la shaqeeyaan, iyadoo aan lagu xad-gudbi Karin  Xuduudaha iyo Midnimadda dalka Somalia.

- Advertisement -

“Waxaan ka codsanaynaa DP World inay dib uga fekeraan Heshiisyadaasi” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Heshiiska DP World ku horumarinayso Dekedda Berbera xadgudub ku tahay Sharci ahaanta Dowladda Somaalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan Is-faham la’aan iyo Heshiis la’aan  aan weli la xalinin.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Shirkadda DP World oo la hadlay Wakaallada Wararka REUTERS ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsan u bilaabi doonaan Dhismaha Dekeddaha ay Shirkaddu ka hirgelinayso Somaliland iyo Puntland.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ergayga Somaliland u jooga Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay inaysan DFS wax shaqo ah ku lahayn Heshiiskaasi iyo inaan wada-xaajodo laga geli Karin Heshiiska  Shirkadda DP.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories