HomeCaalamkaTaliyihii Ciidamada Suudaanta koofureed oo geeriyooday

Taliyihii Ciidamada Suudaanta koofureed oo geeriyooday

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan, Michael Makuei Lueth, ayaa sheegay inuu Maanta oo Jimca ah geeriyooday taliyahii Ciidanka xoogga Dalka General James Ajongo. General James Ajongo, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, halkaas oo loo geeyay xanuun xagga wadnaha ah sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay […]

- Advertisement -

Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan, Michael Makuei Lueth, ayaa sheegay inuu Maanta oo Jimca ah geeriyooday taliyahii Ciidanka xoogga Dalka General James Ajongo.

General James Ajongo, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, halkaas oo loo geeyay xanuun xagga wadnaha ah sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay xukuumaddu ku dhawaaqday Saddex Maalmood oo baroordiiq Qaran ah, iyadoo la muujinayo geerida Gen; James Ajongo, oo uu ku tilmaamay halyeey, waxaana hoos loo dhigi doonaa Calanka Koofurta Suudaan.

General Ajongo ayaa loo dallacsiiyay madaxa ciidanka xoogga Dalka Koonfurta Suudaan Bishii May 2017-kii, isaga oo beddelay taliyihii hore ee Paul Malong.

Gen; Ajongo ayaa ka mid ahaa jabhaddii  SLA (Sudan People’s Liberation Army) wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha Magaca iyo xushmadda ku leh Dalka Koofurta Suudaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories