HomeWararDhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay in Dowladii hore Imaaraadka heshiis kala gashay dekada...

Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay in Dowladii hore Imaaraadka heshiis kala gashay dekada Berbera

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay in heshiiskii Dekada Berbera ee khilaafka xooggan uu ka dhashay  ay la galeen Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxana warkaasi beeniyey Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo […]

- Advertisement -

Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay in heshiiskii Dekada Berbera ee khilaafka xooggan uu ka dhashay  ay la galeen Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxana warkaasi beeniyey Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo dowladda Soomaaliya ama kuwii dalka soo maray ay kala galeen Imaaraadka  Dekada Berbera oo ay waxka ogyihin.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in aysan jirin cadeymo ay u soo bandhigeen madaxda imaaraadka Carabta oo ku saabsan heshiiskaas Dekada Berbera.

“Maya maya xukuumadda soomaaliya ma oga heshiis imaaraadka ay dowaldihii dalka soo maray iyo dowladaan ay la galeen imaaraadka ama ay madaxda imaaradka ay natuseen laakin wasiiru dowlaha ayaan ka maqalnay in uu sheegay in Isfahan uu heshiiskaas ku dhacay xataa hadii uu jiro isfahan misi qoraal ah ayuu ku dhacay mise mid afka laga wada hadlay laakin Imaaraadka ayaan weli ka sugeynaa heshiiskaas ayuu yiri Wasiir Cawad”

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo jawaab u ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadaya xili waqtigaan uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Cawad.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories