HomeCaalamkaDalka Cuba oo Madaxweyne cusub yeeshay

Dalka Cuba oo Madaxweyne cusub yeeshay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha cusub ee Dalka Cuba ayaa loo dhaariyay Miguel Diaz-Canel, isagoo Shantii Sano ee ugu dambaysay ku xigeen u ahaa hoggaamiyhii isaga ka horreeyay ee Raul Castro. Mr; Diaz-Canel oo 57 jir ah ayaa beddelaya Raul Castro oo 86 jir ah, kaasoo muddo 12 Sano ah soo maamulayay Dalkaasi, ka dib markuu isna Kursiga kala […]

- Advertisement -

Madaxweynaha cusub ee Dalka Cuba ayaa loo dhaariyay Miguel Diaz-Canel, isagoo Shantii Sano ee ugu dambaysay ku xigeen u ahaa hoggaamiyhii isaga ka horreeyay ee Raul Castro.

Mr; Diaz-Canel oo 57 jir ah ayaa beddelaya Raul Castro oo 86 jir ah, kaasoo muddo 12 Sano ah soo maamulayay Dalkaasi, ka dib markuu isna Kursiga kala wareegay Walaalkii Fedel Castro oo ahaa Aabbihii Kacaanka Cuba.

- Advertisement -

Dalka Cuba oo ka tirsan Waddamada laysku yiraahdo Laatiin America ayaa waxaa 60-kii Sano ee lasoo dhaafay soo xukumayay Qoyska Reer Castro, waloow uu haatanba talada Xisbiga Shuuciga weli sii hayo Raul Castro.

Miguel Díaz-Canel oo dhashay wixii ka dambeeyay curashadii Kacaanka Cuba, ayaa la sheegaa inuu saaxiib dhow la yahay Raúl Castro, wuxuuna sheegay inuusan wax is beddel ah ku samayn doonin siyaasaddii uu ku shaqaynayay Xisbiga Shuuciga.

Madaxweyne Diaz-Canel oo ka hadlayay xafladdii caleema saarka ee lagu dhaarinayay isaga ayaa sheegay inuu Kacaanku horay u sii socon doono, wuxuuna farriin quus ah u diray kuwa ku taamaya is beddel ballaaran iyo furfurnaan.

- Advertisement -

Jamhuuriyadda Kacaanka ee Cuba ayaa markii ugu horreysay yeelatay hoggaamiye aan kasoo jeedin Qoyska Reer Castro oo illaa 1959-kii soo kala dhaxlayay xukunka Dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories