HomeCaalamkaSawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka qeyb galay Shir Weynaha Talisyada Ciidanka Africa...

Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka qeyb galay Shir Weynaha Talisyada Ciidanka Africa iyo Mareykanka

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shir weyne socday muddo seddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka, waxaana Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod. Shirka, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada […]

- Advertisement -

Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shir weyne socday muddo seddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka, waxaana Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod.

Shirka, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Talisyadaasi, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen qibradaha, tababarada dhanka ciidanka  iyo arrimo kale.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa  kulmo gooni gooni ah waxa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku xiggeenka Taliska Mareykanka ee Africom.

Madaxda labada dhinac, ayaa  kawada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka,  kordhinta Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, siddii looga Caawin lahaa dawladda Soomaaliya Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wanaajinta Xiriirka Milatary ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories