HomeCaalamkaMadaxweynaha Kenya oo ka gaabsaday Su’aal laga weeydiiyey Xiisadii ka dhalatay Xaduudka...

Madaxweynaha Kenya oo ka gaabsaday Su’aal laga weeydiiyey Xiisadii ka dhalatay Xaduudka Somalia iyo Kenya

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Uhuru Kenyatta oo sheegay inay aqoosan  yihiin Xuduudkooda Caalamiga iyo inay Dowladaha deriska kala shaqeynayaan Arrimaha Xuduudaha Madaxweynaha Kenya, Uhur Kenyatta ayaa hadalkaasi ku sheegay Kulan su’aalo lagu weydiinayey oo lagu qabtay Aqalka Chatham House oo ku yaalla magaalladda London. Waxa wax laga weydiiyey Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM, Dagaalka Alshabaab iyo Xiisada Xuduudka ee Somalia […]

- Advertisement -

Uhuru Kenyatta oo sheegay inay aqoosan  yihiin Xuduudkooda Caalamiga iyo inay Dowladaha deriska kala shaqeynayaan Arrimaha Xuduudaha

Madaxweynaha Kenya, Uhur Kenyatta ayaa hadalkaasi ku sheegay Kulan su’aalo lagu weydiinayey oo lagu qabtay Aqalka Chatham House oo ku yaalla magaalladda London.

- Advertisement -

Waxa wax laga weydiiyey Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM, Dagaalka Alshabaab iyo Xiisada Xuduudka ee Somalia iyo Kenya iyo Ajendaha Kenya ee Jubbaland.

“Waxaan aqoonsanahay Xuduudkeenna Caalamiga, laakiin si la mid ah waxaan aqoonsanahay baahida aan Annaga u qabno inaan awoodno inaan si wadajir ah u shaqeyno Walaalkeenna Gobalka” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya waxa uu ka gaabsaday inuu jawaab waafi ah ka bixiyo su’aal ku aadanayd Ajendaha Kenya ee Diiwaankii Xuduudaha ee  sannadkii 1924-kii, kaasi oo Jubbaland ka dhigay qeyb ka tirsan dalka Kenya,

- Advertisement -

Waxa uu si kooban u yiri: “Halkan uma joogno inaan kaga hadalno Arrimaha Xuduudaha”.

Mar wax laga weydiiyey Hawlgalka AMISOM, waxa uu tilmamaay inay Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Uganda dhamaantooda qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM, isla markaana ay DFS kala  shaqeynayaan  soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka shaqeynayaan sidii ay ugu dambeyntii uga guuleysan lahaayeen cabsida Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Uhuru Kenyatta waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddanka AMISOM weligooda sii joogi Karin Somalia, balse ay Dowladaha Gobalka ka shaqeynayaan tababarka Ciiddanka DFS, si ay AMISOM ugala wareegaan Mas’uuliyada Ammaanka Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories