HomeCaalamkaDowladda Faransiiska oo xaqiijisay in Hoggaamiyaha Milliteri ee Libya lagu daaweeyey Isbitaal...

Dowladda Faransiiska oo xaqiijisay in Hoggaamiyaha Milliteri ee Libya lagu daaweeyey Isbitaal ku yaalla magaalladda Paris

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, JEEN Yefes La Dariyan ayaa xaqiijiyey in Hoggamaiyaha Milliteri ee ugu xooggan dalka Libya, Khaliifa Xaftar lagu daaweeyey Isbitaalka Millitri ee Val-de-Grâce,  oo ku yaalla meel ku dhow magaalladda Paris.. Idaacadda Radio France International ayaa sheegtay inuu Wasiirka hadalkaasi ku sheegay Kulan uu la yeeshay Guddiga Arrimaha Dibedda ee […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, JEEN Yefes La Dariyan ayaa xaqiijiyey in Hoggamaiyaha Milliteri ee ugu xooggan dalka Libya, Khaliifa Xaftar lagu daaweeyey Isbitaalka Millitri ee Val-de-Grâce,  oo ku yaalla meel ku dhow magaalladda Paris..

Idaacadda Radio France International ayaa sheegtay inuu Wasiirka hadalkaasi ku sheegay Kulan uu la yeeshay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Faransiiska, wuxuuna xusay inay xaalladiisa caafimaad soo hagaagayso.

- Advertisement -

Khaliifa Xaftar oo 75 jir ah waxa uu hoggaamiya Ciiddanka Qaranka Libya (The Libyan National Army (LNA) oo ku xooggan Bariga dalka Libya.

Afhayeenka Xaftar ayaa beeniyey warar ay Warbaahintu ku sheegeen inuu Xaftar Khaliif la xanuunsan yahay Wadna-xanuun iyo Qalal.

Afhayeenka oo la hadlay Telefishinka AL-NABYA ayaa sheegay inay wanaagsan tahay Xaalladda Caafimaadka ee Xaftar.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Diplomaasi Reer Europe oo aan la magacabin ayaa shalay sheegay in Xaftar Khaliifa maskaxda ka dhaawacmay, isla markaana uusan awoodi Karin inuu sidiisi ihore oo kale ku hawl-galo.

Haddaba, waa qofma, Xaftar Khaliifa

Waxa uu ku dhashay magaalladda AJADBIYA sannadkii 1943-kii, wuxuuna sannadkii 1961-kii ku biiray Akadeemiyadda Milliteriga ee BENQAASI. Isagoo 26-jir ah ayuu qeyb ka qaatay Afgambigii Milliteri ee uu Kolonel Mucumar Alqadaafi xilka kala wareegay Boqor Idris sannadkii 1969-kii.  Hoggaamiyihii Libya Waxa uu Xaftar Khaliifa dallacsiiyey sannadkii 1980-kii, oo uu ka dhigay Kolonel ama Gaashaanle Sare, waxaana loo diray inuu ka so odagaalamo dalka Chad.

Ciiddanka Chad ayaa la sheegay inay Xaftar Khaliifa gacanta ku dhigeen sannadkii 1987-dii. Markii la sii daayey waxa uu Xaftar Khatar ka goostay Ciiddanka Dowladda Libya. Hay’adda Sirdoonka ee CIA-da ayuu taageeri ka helay, wuxuuna asaasay Garabka  Milliteri ee Jabhadda (The National Front for the Salvation of Libya (LFD), si  ay Kolonel Qadaafi uga tuuraan Hoggaaminta dalka Libya.

Khaliifa Xaftar waxa uu in muddo ah ku noolaa Jamhuutiyadda Komgada Dimuqraadiga (DRC), wuxuuna uga sii socdaalay dalka Maraykanka.

Markii uu Maraykanka tegay waxa la dejiyey Waqooyiga Gobalka Virginia, meel aad ugu dhow Xarumaha CIA-da ee Langley.

 

Waxa uu dalka Libya ku soo laabtay markii la dilay Kolonel Qadaafi, wuxuuna Khaliifa Xaftar booqday dalalka Raashiya, Imaaraadka Craabta iyo Masar.

Waxa uu dagaal xooggan la galay Kooxda Daacish-ta Libya ee ku sugnayd Bariga dalkaasi.

Waxa uu bishii June ee sannadki 2014=kii ka badbaaday Isku-day lagu khaarijin lahaa, iyadoo tan iyo xilligaasi aan lagu arkin Fahaarayaasha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories