HomeWararDhageyso:-Xildhibaano Warqad dacwo ah u gudbiyey Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Dhageyso:-Xildhibaano Warqad dacwo ah u gudbiyey Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Isqabqabsi aad u weyn oo dhanka maamulka ah ayaa xiligaan ka taagan Maamulka gobolka Hiiraan,waxan isqabqabsigaas uu yahay mid soo jiitamayey ilaa Madaxweynihii hore ee Maamulka hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Xildhibaannada Hir-Shabeelle qaarkood ayaa aaminsan in xilalka ugu muhiimsan ee Maamulka gobolka hiiraan beelaha qaarkood lagu koobay,isla markaana ay arrinkaasi dhaliil ka qbaan. Xildhibaan Nuur […]

- Advertisement -

Isqabqabsi aad u weyn oo dhanka maamulka ah ayaa xiligaan ka taagan Maamulka gobolka Hiiraan,waxan isqabqabsigaas uu yahay mid soo jiitamayey ilaa Madaxweynihii hore ee Maamulka hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xildhibaannada Hir-Shabeelle qaarkood ayaa aaminsan in xilalka ugu muhiimsan ee Maamulka gobolka hiiraan beelaha qaarkood lagu koobay,isla markaana ay arrinkaasi dhaliil ka qbaan.

- Advertisement -

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Beelaha dega Gobolka Hiiraan qaarkood ay xilalkaas isku koobeen,isla markaana taasi aan waxba ka soo kordheyn,waxa uuna sheegay in dad gaar ah ay maagcyo iska qoretn sidoo kalena ay xilalkaas magacaabeen.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ay u gudbiyeen Warqad dacwo ah oo ay uga cabanayaan in arrinatas wax laga bedelo,isla markaana wadatashiyo laga sameeyo hadii xilal la magacaabayo.

Hadalka Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa ku soo aadaya xilli maalma kahor xilkii laga qaaday guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan,isla markaana in uu xilka wareejiyo shroud ku xiray.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories