HomeCaalamkaMadaxweyne Farmaajo oo dhigiisa Masar ka helay balan qaad xilli…

Madaxweyne Farmaajo oo dhigiisa Masar ka helay balan qaad xilli…

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Yaboohaasi ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweynaha Masar, C/Fataax Alsisi shalay Wicitaan Telefoon ka helay dhigiisa Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo. Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Ambassador Bassam Radi ayaa sheegay inay Labada Madaxweyne ka wada hadleen Xirirka labada dal, Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada, waa sida uu hadalka u […]

- Advertisement -

Yaboohaasi ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweynaha Masar, C/Fataax Alsisi shalay Wicitaan Telefoon ka helay dhigiisa Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Ambassador Bassam Radi ayaa sheegay inay Labada Madaxweyne ka wada hadleen Xirirka labada dal, Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Wargeyska AL-DASTUUR ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray inuu Madaxweyne Farmaajo sheegay inuu Xiriir Taariikhi ah ka dhexeeyo labada Waddan, wuxuuna ammaanay Taageeradda ay  Dowladda Masar ka qaadato sidii loo xaqiijin laha Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu tilmaamay inay DFS ka go’an tahay inay sii wadaan xoojinta  Iskaashiga kala duwan iyo Wada-tashiga ay la leeyihiin Dowladda Masar.

Madaxweynaha waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey Tallaabooyinka ay DFS qaatay, si loo soo celiyo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia iyo Caqabadaha hor taagan DFS.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee  ay Labada Madaxweyne ku wada hadlaan Khadka Telefoonka, inkastoo Wada-hadalkoodii shalay ahaa kii ugu horreeyey tan iyo markii Madaxweyne C/fataax Alsisi mar 2-aad ku guuleystay Xilkaasi.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Alsisi ayaa isagana sheegay inuu xiriir xooggan ka dhexeeyo Somalia iyo Masar, wuxuuna xusay inay Masar ka go’an tahay inay sii wadaan Taageeradda ay ka geystaan Midnimadda Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories