HomeWararDhageyso:-Guddoomiye Cismaan Barre”Dastuurka dalka wuxuu noqday Mashruuc Dano Siyaasadeed lagu fushado”

Dhageyso:-Guddoomiye Cismaan Barre”Dastuurka dalka wuxuu noqday Mashruuc Dano Siyaasadeed lagu fushado”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Dastuurka dalka uu yahay mid soo maray waqtiyo kala duwan wixii ka dambeeyey burburkii dalka,isla markaana uu ahaa Warqado ay dad iska heysteen. Waxa uu sheegay in Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf wixii ka dambeeyey la sameeyey dastuur uu sheegay in uu yahay mashruuc oo dano Shaqsiyadeed lagu fuliyo. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Dastuurka dalka uu yahay mid soo maray waqtiyo kala duwan wixii ka dambeeyey burburkii dalka,isla markaana uu ahaa Warqado ay dad iska heysteen.

Waxa uu sheegay in Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf wixii ka dambeeyey la sameeyey dastuur uu sheegay in uu yahay mashruuc oo dano Shaqsiyadeed lagu fuliyo.

- Advertisement -

“Xaqiiqdii dastuurkena waqti badan ayuu soo maray,dowlad kastoo oo dalka soo martay meel ayey keentay,runtii Dastuurka ayaa sidoo kale iska noqday mashruuc dano Siyaasadeed lagu fushto khilaafka dalka ka jira isaga ayaa keenay taasi waxa ay cadeyneysaa in gacan Ajnabi lagu qoray marka xataa wadahsaqeynta dowlad goboleedyada iyo dowaldda dhexe kuma qorna ayuu yiri Guddoomiye Cusmaan Barre.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa ugu baaqay guddiga dib u eegusta Dastuurka dalka in ay ka Shaqeyaan sidii la isku waafajin lahaa Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedayda.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili weli lagu howlan yahay sidoo loo dhameystiri lahaa dastuurka qabyada ah ee dalka,iyada oo guddiga dib u eegista Dastuurka ay ku howlan yihiin sidii loo dhameystiri lahaa.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories