HomeWararDhageyso:-Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Dhageyso:-Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee M/Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Carafaad ee degmada Yaaqshiid waxaa dagaal uu  ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida soomaaliya iyo rag ka tirsan  Al-Shabaab. Ciidamada Nabadsugida ee dagaalka la galay Al-Shabaab ayaa waxaa  la socday taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada Yaaqshiid,waxana Maamulka gobolka […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee M/Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Carafaad ee degmada Yaaqshiid waxaa dagaal uu  ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida soomaaliya iyo rag ka tirsan  Al-Shabaab.

Ciidamada Nabadsugida ee dagaalka la galay Al-Shabaab ayaa waxaa  la socday taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada Yaaqshiid,waxana Maamulka gobolka Banaadir ay goobta uu dagaalka ka dhacay ku soo bandhigeyn Meydka ruux ay ku sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

- Advertisement -

Taliyaha Nabadsugida degmada yaaqshiid iyo ciidamadii uu hogaaminayay iyo Afar rag ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in agagaarka isbitaalka Carafaad uu ku dhexmaray dagaal kooban.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, Guddoomiye kuxigeenkaAmniga  iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka dhacay,iyaga oo soo bandhigay Meydka Nin ay sheegeen in uu ka mid ahaa raggii Al-Shabaabka ahaa ee la dagaalamay.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkii dhexmaray ciidamada Nabadsugida iyo Al-Shabaab ay ku dileyn mid ka mid ah halka mid kale uu baxsaday,isaga oo dhaawac ah,sidoo kalena dhankooda ay ka dhaawacmeen laba Askari sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories