HomeCaalamkaMuhaajiriin ay Somali ku jiraan oo laga sii daayey Xabsi ku yaalla...

Muhaajiriin ay Somali ku jiraan oo laga sii daayey Xabsi ku yaalla Israel

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

In ka badan 200 oo Muhaarijiin ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea iyo Sudan ayaa shalay laga sii daayey Xabsi ku yaalla magaalladda Saxaronim ee Koonfurta Israel. Maxkamadda Sare ee dalkaasi  ayaa shalay amartay in la sii daayo Qaxootigaasi.oo si sharci-darro ah ku joogay Israel. Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa qoray inay Maxkamadda Sare […]

- Advertisement -

In ka badan 200 oo Muhaarijiin ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea iyo Sudan ayaa shalay laga sii daayey Xabsi ku yaalla magaalladda Saxaronim ee Koonfurta Israel.

Maxkamadda Sare ee dalkaasi  ayaa shalay amartay in la sii daayo Qaxootigaasi.oo si sharci-darro ah ku joogay Israel.

- Advertisement -

Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa qoray inay Maxkamadda Sare ku amartay Dowladda Israel in la hakiyo qorshihii Qaxootigaasi loogu masaafurin lahaa muddo 2 isbuuc ah.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Hay’adda Socdaalka ee Israel oo la hadashay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa xaqiijisay in 207  Qaxooti Afrikaan ah la sii daayey, kuwaasi oo loo gudbiyey Xarun Furan oo Qaxootiga lagu hayo.

Ku-dhawaad 43-kun oo Qaxooti Afrikaan ah ayaa ku sugan gudaha Israel, kuwaasi oo loo diiday in loo aqoonsado Qaxooti Magabgelyo-doon ah.

- Advertisement -

https://www.israelnationalnews.com/News/News.aspx/244469

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories