HomeWararMaxkamada Hargeysa oo xukun ku riday Wiil Bartiisa Facebook ku dhaliilay Madaxweynaha...

Maxkamada Hargeysa oo xukun ku riday Wiil Bartiisa Facebook ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada Magaladaas ay Maanta xukun ku riday Maxamed Keyse Bigeeye oo Bartiisa Facebook ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Xeer Ilaalinta Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa Maxamed Keyse Bigeeye waxa ay ku eedeysay in Bartiisa Facebook uu ku soo qoray Erayo ay ka mid […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada Magaladaas ay Maanta xukun ku riday Maxamed Keyse Bigeeye oo Bartiisa Facebook ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xeer Ilaalinta Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa Maxamed Keyse Bigeeye waxa ay ku eedeysay in Bartiisa Facebook uu ku soo qoray Erayo ay ka mid ahaayeen,Muuse Biixi waa Local,taas oo sababtay in Xasbiga la dhigo.

- Advertisement -

Mudo ayaa la sheegay in uu Maxamed Keyse Bigeeye ku jiray Xasbiga Hargeysa,waxana Maanta lahokeenay Maxkamada,iyada oo Maanta lagu Xukumay Sanad iyo Lix Bilood.

Maxamed Keyse Bigeeye ayaa hadda kahor loo xiray in uu Buug ka qoray Waxqabadka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Buugaas oo uu ugu magacdaray(Tusaalaha Guusha)

Sikastaba xukunka Xabsiga ah ee Maanta lagu riday Maxamed Keyse Bigeeye ayaa daba socda Xukun Saddex Sano ah oo shalay lagu riday Abwaanad Naciimo Abwaan Qorane oo lagu eedeyey in ay ku dhaqaaqday fal lidi ku ah qaranimada Soomaaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories