HomeCaalamkaHoggaamiyaasha Carbeed oo taageeray Midnimada Soomaaliya kana digay faragelin Shisheeye

Hoggaamiyaasha Carbeed oo taageeray Midnimada Soomaaliya kana digay faragelin Shisheeye

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Hoggaamiyayaasha, Madaxweynayaasha, Boqorada iyo Amiirada dalalaka Carabta ee shalay Kulan-sannadeedkooda ku yeeshay dalka Sacuudiga waxay soo dhaweeyeen guusha laga gaaray dadaalka Dib-u-heshiisiinta Somalia, Xoojinta Hay’addaha Dowladda iyo Taageerida Qorshaha Horumarinta ee Qaranka Somalia. Hoggaamiyayaasha oo soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 29 qoddob, waxay qoddobka 25-aad si gaar ah uga hadlay Arrimaha Somalia. Bayaanka waxaa lagu […]

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha, Madaxweynayaasha, Boqorada iyo Amiirada dalalaka Carabta ee shalay Kulan-sannadeedkooda ku yeeshay dalka Sacuudiga waxay soo dhaweeyeen guusha laga gaaray dadaalka Dib-u-heshiisiinta Somalia, Xoojinta Hay’addaha Dowladda iyo Taageerida Qorshaha Horumarinta ee Qaranka Somalia.

Hoggaamiyayaasha oo soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 29 qoddob, waxay qoddobka 25-aad si gaar ah uga hadlay Arrimaha Somalia.

- Advertisement -

Bayaanka waxaa lagu soo dhaweeyey Xaalladda Siyaasadeed iyo Ammaanka Somalia iyo Kaalinta muhiimka ee ay Ciiddanka AMISOM, gaar ahaan Ciiddanka Jabuuti ugu jiraan soo-celinta Ammaanka Somalia.

Hoggaamiyayaasha dalalka Carabta waxay kaloo ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta inay taageero degdeg ah u siiyaan DFS, si dib loogu dhiso Ciiddamadda iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha Ammaanka Somalia.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay inay taageerayaan Midnimaadda iyo Xuduudka dhuleed ee Somalia, waxayna ka digeen Faragelin lagu sameeyo Arrimaha Gudaha ee Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Carabta waxay mar kale xaqiijiyeen in Taageero dhaqale la siiyo DFS, iyo taaba-gelinta Qaraarkii ay Hoggaamiyayaasha Carabta ku gaareen Shirkoodii ka dhacay magaalladda Sharma Sheekh ee dalka Masar bishi iMaarso 29-dii ee sannadkii 2015-kii.

Hoggaamiyayaasha waxay mar kale ku celiyeen in DFS bil kasta lagu taageero 10-million oo Dollar muddo hal sanno ah, iyadoo Taageeadaasi lagubiirinayo Miisaaniyadda DFS

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Carabta waxay ugu baaqeen  Dowladaha Carabta inay DFS ka taageeraan dacan-ku-haynta Hawada Somalia, waxayna ka soo horjeesteen in Maamulka Hawada Somalia la kala qeybiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories