HomeCaalamkaBangiga RBC ee dalka Kanada oo joojinaya macaamilka uu la lahaa Xawaaladaha...

Bangiga RBC ee dalka Kanada oo joojinaya macaamilka uu la lahaa Xawaaladaha Soomaalida

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxda Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC) ee dalka Knaada waxay shaaciyeen inay berrito dhaqan gelin doonaan  Go’aanka ay ku joojinayaan Xisbaab-lacageedka Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee macaamilka la ah Bangigaas. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Bangiga RBC ayaa lagu sheegay inay xiri doonaan Xisaab-lacageedka ay Shirkadaha Xawaaladaha  ee Amal Express iyo Iftin Money Transfer […]

- Advertisement -

Madaxda Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC) ee dalka Knaada waxay shaaciyeen inay berrito dhaqan gelin doonaan  Go’aanka ay ku joojinayaan Xisbaab-lacageedka Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee macaamilka la ah Bangigaas.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Bangiga RBC ayaa lagu sheegay inay xiri doonaan Xisaab-lacageedka ay Shirkadaha Xawaaladaha  ee Amal Express iyo Iftin Money Transfer ku lahaayeen Bangigaasi.

- Advertisement -

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in Xisaab-lacageedka Shirkadda Amal Express la xiri doono bishan April 17-da oo ku beegan maalinta berrito oo Talaado ah, halka Shirkadda kale ee Iftin Money Transfer sheegeen la xiri doono bisha soo socota ee May 15-da, sida ku cad Amarka ka soo baxay Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC).

Jaalliyadda  Soomaalida ee ku nool magaalladda EDMONTON ee Gobalka Alberto ee dalka Kanada  oo tiradooda dhan tahay 200 oo kun oo qof waxay cabsi xooggan ka muujiyeen Khatarta ku soo fool leh Nolosha qoysaska Soomaalida ee ku tiirsan Lacagaha ay u xawilaan, kuwaasi oo ku nool Somalia iyo Xeryaha Qaxootiga Kenya.

Qareen Maxamed Akordo oo u dooda Xuquuqda Aadanaha kuna nool magaalladda Edmonton ayaa sheegay in Go’aanka Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC) ee lagu xirayo Xawaaladaha Soomaalida tahay arrin meel-ka-dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana si gaar ah loogu beegsanayo Jaalliyadda Soomaalida oo keliya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Milkiilayaasha Shirkadaha Xawaaladaha ee Amal iyo Ifrin waxay labaduba sheegeen inay la yaabeen Go’aanka ka soo baxay Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC).

Xigasho: the star Edmonton

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories