HomeCaalamkaWaa kuwee Hoggaamiyayaasha qaadacay Shirka Madaxda Carbeed?

Waa kuwee Hoggaamiyayaasha qaadacay Shirka Madaxda Carbeed?

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Amiirka dalka Qatar, Shiikh Tamim bin Xamad al-Thani iyo Madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Syria ayaa la xaqiijiyey inaysan ka qeyb geli doonin Shirweynaha 29=aad ee Hoggaamiyayaasha Dalalka Carbeed uga furmay magaallaadda DHAHRAAN ee Bariga Sacuudiga. Dalka Qatar waxaa  shirkaasi u matalaya Sayf Bin Muqadam Al-buaynin oo ah Wakiilka Joogtada ee u jooga Xarunta Dhexe ee […]

- Advertisement -

Amiirka dalka Qatar, Shiikh Tamim bin Xamad al-Thani iyo Madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Syria ayaa la xaqiijiyey inaysan ka qeyb geli doonin Shirweynaha 29=aad ee Hoggaamiyayaasha Dalalka Carbeed uga furmay magaallaadda DHAHRAAN ee Bariga Sacuudiga.

Dalka Qatar waxaa  shirkaasi u matalaya Sayf Bin Muqadam Al-buaynin oo ah Wakiilka Joogtada ee u jooga Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta

- Advertisement -

Amiirka dalka Qatar waxa uu shalay ka soo laabtay Safar uu ku tegay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump.

Sababaha uu Amiirka dalka Qatar u qaadacay Shirka Madaxda Carbeed uga furmay Sacuudiga ayaa u sabab ah Khilaafka Siyaasadeed ee dalkiisa kala dhexeeya daalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.

Wasiirka Arrumaaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Al-jubayr waxa uu sheegay inaan Shirkaasi looga hadli doonin Xiisadda dalka Qatar ee la go’doomiyey.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Cumar Xasan Axmed Al-bashiir ayaa ka baaqsaday Shirka Madaxda Carbeed, mana kala cadda sababaha rasmiga ee uu u qaadacay Shirkaasi.

Madaxweyne Al-bashiir waxa uu horey siyaasad ahaan la saftay dalka Qatar, isagoo Taageeradaasi ku kasbaday inay dowladda Qatar ballan qaaday inay Sudan ka dhisi doonaan Deked Casri ah iyo Saldhig Milliteri.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Alasad ee ay colaadaha iyo duqeymaha ku socdaan ayaa la shaaciyey inuusan ka qeyb geli doonin Shirka Madaxda Carbeed.

Bashaar Al-asad waxa uu Siyaasad ahaan taageersan yahat Dowladda Iiraan, oo ay dalalka kale ee Carabta u arkaan Khatar ku soo fool leh Mandiqadda Gacanka Carbeed.

Qaddiyadda Iiraan ayaana noqonaysa Qoddobka ugu muhiimsan ee ay Madaxda Carbeed kaga hadli doonaan Shirka uga socda dalka Sacuudiga, waxaana la filayaa inay Hoggaamiyayaasha Bayaan ka soo saaraan Khatarta ay Iiraan ku hayso dalalka Carbeed iyo Taageeradda ay siiyaan Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories