HomeCaalamkaSawirro:-Hoggaamiyayaasha Carabta oo Maanta Kulan Xasaasi ah uga furmi doona Sacuudiga

Sawirro:-Hoggaamiyayaasha Carabta oo Maanta Kulan Xasaasi ah uga furmi doona Sacuudiga

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Shirweynihii 29-aad ee Madaxda Carbeed ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalladda Dhahraan ee dalka Sacuudiga, iyadoo ay inta badan Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta ku sugan yihiin Madasha Shirka. Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Wareysi siiyey Wargeyska Alsharqal Awsad ayaa sheegay in Kulan Madaxeedkaasi looga hadli doono Xiisadaha Xasaasiga […]

- Advertisement -

Shirweynihii 29-aad ee Madaxda Carbeed ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalladda Dhahraan ee dalka Sacuudiga, iyadoo ay inta badan Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta ku sugan yihiin Madasha Shirka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Wareysi siiyey Wargeyska Alsharqal Awsad ayaa sheegay in Kulan Madaxeedkaasi looga hadli doono Xiisadaha Xasaasiga ah ee ka taagan Dunida Carabta, gaar ahaan dalalka Somalia, Syria, Yemen, Libya, Iraq iyo Qaddiyadda Falastiin, gaar ahaan Qorshaha Maraykanka ee uu Safaraadiisa ugu soo rarayo magaalladda barakaysan ee Qudus-ta la-haysto iyo La-dagaalanka Argagixisadda.

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Jabuuti waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Xal Siyaasadeed lagu dhameeyo Khilaafka dalalka Carbeed, si ay dadka Carbeed ugu noolaadaan Deganaansho.

Mar wax laga weydiiyey Ciiddamadda shisheeyaha ee Saldhigga ku leh Jabuuti, waxa uu xusay inay ka qeyb qaataan Badbaadinta Maraakiibta iyo La-dagaalanka Argagixisadda.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga ayaa la filayaa inay dhexdhexaadiyaan  Madaxweynaha DFS iyo dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta, si xal looga gaaro Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Labada Waddan.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories