HomeCaalamkaDowladda Imaaraadka Carabta oo joojisay Tababarka Ciidamada Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta oo joojisay Tababarka Ciidamada Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Sida lagu daabacay Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gebi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya,iyaga oo sida la sheegay kaga jawaabayey falkii 8-dii Bishaan lagula wareegay lacag dhan 9.6 Milyan oo dollar oo Garoonka Muqdisho lagu qabtay,isla markaana ay dowladda Soomaaliya la wareegtay. Warka ayaa waxaa lagu […]

- Advertisement -

Sida lagu daabacay Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gebi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya,iyaga oo sida la sheegay kaga jawaabayey falkii 8-dii Bishaan lagula wareegay lacag dhan 9.6 Milyan oo dollar oo Garoonka Muqdisho lagu qabtay,isla markaana ay dowladda Soomaaliya la wareegtay.

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in imaaradka uu joojiyey tababarkii mudada uu ka waday Saddex Xeryo ciidan oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland,halkaas oo ay ka soo baxeyn ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa horay u cambaareysay la wareegitaankii lacagtii ay lahaayeen,waxa ayna sheegeen in ay tababareen 2407 oo askari,isla markaana ay bixin jireen mushaaraadkooda.

Warka kas oo baxay dowladda Imaaradka Carabta ayaa ku soo aadaya xili maalin ka hor Garoonka Diyaaradaha Boosaaso mudo Saacado ah lagu xanibay Diyaarad qaadi laheyd Saraakiisha Imaaradka ee tababarka u joogay Puntland wallow markii dambe ay Garoonka ka dhoofeen.

Sidoo kale 11 Bishaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya la wareegeyso Ciidamda Imaaradka uu tababaray eek u sugan Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories