HomeCaalamkaTaliyayaasha AMISOM oo loogu baaqay inay xaqiijiyaan Qorshaha ay Ciiddankaasi kaga bixi...

Taliyayaasha AMISOM oo loogu baaqay inay xaqiijiyaan Qorshaha ay Ciiddankaasi kaga bixi doonaan Somalia

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika u jooga Somalia, Simon Mulongo ayaa sheegay in loo baahan yhaay in la dejiyo Ka-bixitaanka Somalia, iyadoo la waafijinayo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM si loo yareeyo  Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Somalia. Simon Mulongo ayaa hadalkaasi ku sheegay Kulan uu la qaatay Taliyayaasha Ciiddanka AMISOM oo looga xaajoonaya […]

- Advertisement -

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika u jooga Somalia, Simon Mulongo ayaa sheegay in loo baahan yhaay in la dejiyo Ka-bixitaanka Somalia, iyadoo la waafijinayo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM si loo yareeyo  Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Somalia.

Simon Mulongo ayaa hadalkaasi ku sheegay Kulan uu la qaatay Taliyayaasha Ciiddanka AMISOM oo looga xaajoonaya Xilliga Kala-guurka iyo sidii Ciiddanka Dowladda Somalia loogu wareejin lahaa mas’uuliyadda Ammaanka.

- Advertisement -

AMISOM  ayaa rajeynaysa inay yareeyaan tirada Ciiddanka Nabad-ilaalinta ee ku sugan Somalia iyo Iskaashiga ciiddanka Somalia, si loo xaqiijiyo Ammaanka Qaranka xilliga kala-guurka.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika u jooga Somalia, Simon Mulongo waxa uu ku booriyey Ciiddanka AMISOM inay tab geliyaan Istaraatijiyadooda ku aadan La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Mar u uka hadlayey xilliga kama dambesta ee ay AMISOM ka huleeli doonaan Somalia waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Wejiga koowaad ee Qorshaha Kala-guurka dhamaan doona muddo 4 sanno, si ay u suurto-gasho in Doorasho Hal qof iyo Hal Cod loo qabto snnadka 2020-ka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xaaji Sebirumbi oo ah Saraaklka AMISOM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka haadlay Kulaankaasi ayaa soo bandhigay Qorshaha Qabyadda ee Xilliga Kala-guur ee ay AMISOM ka bixi doonaan Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay DFS hoggamin doono arrintaasi, iyadoo ay AMISOM ka ciyaarayso door Taageero ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories