HomeWararSawirro:-Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo la kulmay Xildhibaanada Jubbaland

Sawirro:-Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo la kulmay Xildhibaanada Jubbaland

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo ay wehliyaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland. Kulankan wadatashiga ah ayaa ahaa mid Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Guddiyada ay shaqo wadaagayihiin ay Xildhibaanada Jubbaland ugu soo […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo ay wehliyaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankan wadatashiga ah ayaa ahaa mid Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Guddiyada ay shaqo wadaagayihiin ay Xildhibaanada Jubbaland ugu soo bandhigayeen Tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

- Advertisement -

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn ka hadlay muhiimadda kulanka isaga oo codsaday in la adkeeyo xiriirka wadashaqeeynta.

“Muhiimad wayn ayuu kulankan u leeyahay sedexda hay’ad ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka maadaama Xildhibaanada Jubbaland ay waxbadan ka ogyihiin arrimaha shuruucda, waxaan idinka codsanayaa in aan xoojinno wadashaqeynta inaga dhaxeysa si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarnno Geedi-socodkan” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankooda, Xubnaha katirsan labada Guddi ee shaqada ku leh dib-u-eegista Dastuurka oo iyagana hadleen ayaa waxay xaqiijiyeen inay ku mideysanyihiin hawsha socota, waxayna Xildhibaanada Jubbaland ka codsadeen in ay ku garabistaagan ka guul gaarista Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

- Advertisement -

Gabagabadii, Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxay talooyin ka bixiyeen Tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo bandhigeen sedexda hay’ad ee ku shaqada leh dhameeystirka Dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories