HomeCaalamkaQM iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay Ammaanka Somalia, xilli uu Khilaaf...

QM iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay Ammaanka Somalia, xilli uu Khilaaf ka dhexeeyo DFS iyo Imaaraadka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Micheal Keating iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaani waxay Kulan Khaas ah ka yeesheen sidii ay QM iyo Imaaraadka isaga kaashan lahaayeen Hawlaha Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia. Wargeyska Al-bayaan ee ka soo baxa magaalladda Dubai ayaa qoray inuu Micheal Keating ka codsaday Dowladda Imaaraadka […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Micheal Keating iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaani waxay Kulan Khaas ah ka yeesheen sidii ay QM iyo Imaaraadka isaga kaashan lahaayeen Hawlaha Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Wargeyska Al-bayaan ee ka soo baxa magaalladda Dubai ayaa qoray inuu Micheal Keating ka codsaday Dowladda Imaaraadka inay sii wadaan Taageerada kala duwan ee ay siiyaan DFS.

- Advertisement -

Dajiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaani oo ka hadlay Kulankaasi oo ka dhacay Dhismaha Safaaradooda ku taalla Muqdisho waxa uu xusay inay Kaalin ka qaadan doonaan Dadaalka Beesha Caalamka ee lagu taageerayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Danjiraha iyo Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia ayaa  isku af-garteen inay Safaaradda iyo Xafiiska QM ee Somalia ka wada shaqeeyaan Hawlgalladda dib loogu soo celinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankooda ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Imaaraadka u gudbisay Ururka Jaamacadda Carabta dacwad ka dhan ah DFS, oo ku aadan Diyaaradii waday Lacagtii Imaaraadka ee bishan April 8-dii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.

- Advertisement -

 

Xiisadda Diplomaasiyadeed ee  Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka ayaa cirka isku si ishareerayo, waxayna labada Dowladood is-dhaafsadeen Hadalo xasaasiyad kale sii abuuri kara.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories