HomeWararShariif Xasan oo xilkii ka qaaday Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Baay

Shariif Xasan oo xilkii ka qaaday Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Baay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Xilkii looga qaaday Ibraahim Isgoow Ibraahim oo mudo kusiman laba Sano ahaa Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Sirdoonka Gobolka Baay. Saraakiil ka tirsan Koofur Galbeed ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inuu jiro Khilaaf udhexeeyay mudooyinkan Taliyaha Xilka laga qaaday iyo Wasiirka […]

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Koofur Galbeed ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inuu jiro Khilaaf udhexeeyay mudooyinkan Taliyaha Xilka laga qaaday iyo Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Eelaay kaa soo ka dhashay Wadashaqeyn xumo uu kka cabtay Wasiirka.

- Advertisement -

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dhowr jeer oo hore loo geeyay Warqado looga cabanayay Isgoow, Wuxuuna Madaxweynaha markii danbe sheegay in marka uu ka soo laabta Safarkiisii Muqdisho uu wax ka qaban doono Khilaafka udhexeeya Wasiir Eelaay iyo Taliyihii Nisa ee Baay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan wali soo magacaabin Taliyaha Cusub ee Nabad Sugida Gobolka Baay, Waxaana Shaqada hada sii wada kuxigeenadiisii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories