HomeCaalamkaSawirro:-Wasiir Oomaar oo kulan la qaatay Madaxda Shirkadda Turkiga Airlines

Sawirro:-Wasiir Oomaar oo kulan la qaatay Madaxda Shirkadda Turkiga Airlines

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kullan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadka Turkiga ee Turkish Airlines. Wasiir Oomaar ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa diyaaraddii magaca iyo maamuuska ku lahayd ummadda Soomaaliyeed ee Soomaali Airlines. Mudane: Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” […]

- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kullan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadka Turkiga ee Turkish Airlines.

Wasiir Oomaar ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa diyaaraddii magaca iyo maamuuska ku lahayd ummadda Soomaaliyeed ee Soomaali Airlines.

- Advertisement -

Mudane: Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Shirkadda Turkish Airlines waqtiyadii kala duwanaa ay soo martay,wuxuuna Wasiir “Oomaar” uu booqday qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda Turkiga Airlines.

Wasiir “Oomaar” iyo wafdigiisa ayaa warbixino ka dhagaystay Madaxda Shirkada Turkish airlines waqtiyadii ay soo martay iyadoona wasiirka uu booqday qeebaha ay ka koobantahay Shirkada Turkish airlines .

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad “Oomaar” oo warbaahinta kula hadlay magaalada Istanbul ayaa sheegay in kullan mira dhal ah uula yeeshay madaxda shirkadda Turkish Airlines,isagoona hoosta ka xariiqay in booqashada xarunta shirkadda wax badan ka caawin doonto.

- Advertisement -

Captain Caydaruus oo ka mid ahaa Duuliyeyaashii Soomaali Airlines ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed wax badan ka faa’idi doonaan dib u soo celinta diyaaradda Soomaali  Airlines.

Waxa socda dadaallo xooggan oo la doonayo in lagu mataaneeyo labada Wasaaradood, iyadoona Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya  laga caawin doono arrimo badan waxa jira kullan uu Wasiir “Oomaar” la yeelan doona dhiggiisa Turkiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories