HomeCaalamkaMadaxweynaha DFS oo la filayo inuu ka qeyb galo Shir-madaxeedka Dowladaha Carabta

Madaxweynaha DFS oo la filayo inuu ka qeyb galo Shir-madaxeedka Dowladaha Carabta

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Hoggaamiyayaasha Carabta, Boqorada iyo Amiirada ayaa la filayaa inay ka wada qeyb galaan Shirweynaha 29-aad ee Madaxda dalalka Carabta, oo Axadda soo socda ka furmi doona magaalladda DAMMAAM ee Bariga Sacuudiga. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb-geli doono Shirkaasi oo Ajendayaasha looga hadlayo ka mid yihiin  sidii loo taageeri lahaa […]

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Carabta, Boqorada iyo Amiirada ayaa la filayaa inay ka wada qeyb galaan Shirweynaha 29-aad ee Madaxda dalalka Carabta, oo Axadda soo socda ka furmi doona magaalladda DAMMAAM ee Bariga Sacuudiga.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb-geli doono Shirkaasi oo Ajendayaasha looga hadlayo ka mid yihiin  sidii loo taageeri lahaa Dowladda Somalia, Xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Yemen, Libya, Faragelinta Iiraan iyo dhibaatada ay Yuhuudda ku hayaan Reer Falastiin iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

- Advertisement -

Qabsoomida Kulankaasi ayaa ku soo beegmayo, xilli ay xiisad Diplomaasiyadeed u dhexeyso Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale, Maxamuud Cafiifi oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Madaxda Dowladaha Carabta oo ay kuwa dalka Qatar ku jiraan lagu casuumay Shirkaasi

Waxa uu tilmaamay inuu ShirMadaxeedka Carbeed ku soo beegmay iyadoo ay xiisado waa weyn ka dhex jiraan dalalka Carabta.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Carbeed  waxay maanta Kulan ku leeyihin Casimadda Sacuudiga ee RIYAAD, iyagoo diyaarinaya Ajendayaasha la hor-dhigi doono.Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Carabta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories