HomeCaalamka(FAALLO): Barlamaanka Federaalka ma heli doonaan Guddoomiye la heer ah prof. Jawaari...

(FAALLO): Barlamaanka Federaalka ma heli doonaan Guddoomiye la heer ah prof. Jawaari ?

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dhowrkii isbuuc ee la soo dhafaay, Xarig-jiid Siyaasadeed iyo Mooshin lagu degdegay ayaa waxa uu ruxay Deganaanshihii Siyaasadeed iyo Maamul ee dalkeenna, iyadoo ay dhacdadaasi khatar gelin gaartay Haykalka Dowladnimo iyo dadaalka Dib-u-dhiska Qarankeena. Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu BFS waayey Guddoomiye Khabiir iyo  Sharci-yaqaan Qunyar-socod ah, kaasi oo Golaha hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2012-kii. Tiro […]

- Advertisement -

Dhowrkii isbuuc ee la soo dhafaay, Xarig-jiid Siyaasadeed iyo Mooshin lagu degdegay ayaa waxa uu ruxay Deganaanshihii Siyaasadeed iyo Maamul ee dalkeenna, iyadoo ay dhacdadaasi khatar gelin gaartay Haykalka Dowladnimo iyo dadaalka Dib-u-dhiska Qarankeena.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu BFS waayey Guddoomiye Khabiir iyo  Sharci-yaqaan Qunyar-socod ah, kaasi oo Golaha hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2012-kii.

- Advertisement -

Tiro ka mid ah Xildhibaanadda una badnaa xubnaha ka tirsan Xukuumadda waxay si sal-fudeyd ah mooshin uga keeneen Guddoomiyihii  BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan  “Jawaari”, isla markaana ay cadaadis ku saareen inuu iska casilo Xilkaasi.

Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed waxay dhaban-hays iyo anfariir ka qaadeen Mooshinkaasi, waxayna muujiyeen inuu Mooshinkaasi ka muuqday Xilkas-xumo iyo Damac Siyaasadeed Dufanaysan.

Dhowrkii Isbuuc ee la soo dhaafay ayaana lagu soo nolol-qaatay Xilli Cakiran oo culays badnaa, waxayna Bulshaddu ka welweleen sida uu Mooshinkaasi saamayn ugu yeeshay Nolol-maalmeedka iyo Adeegyadii Bulshadda.

- Advertisement -

Xildhibaanadda BFS waxay u kala qeybsameen 2 Garab, wuxuuna dhaqanka noocaasi u muuqday mid saamayn ku reebi karay Hawlaha Barlamaanka, gaar ahaan waxa uu xagal daacin karay dhamaystirka Dastuurka KMG iyo Hiigsiga Doorashadda Qaran ee dhici doonta sannadka 2020-ka.

Markaynu dib u eegno Khudbadi uu Guddoomiyihii is-casilay ee BFS shalay ka hor jeeday Xildhibaanadda BFS waxa uu si xikmad leh uga hadlay Dhacdadii sababtay inuu iska casilo Xilka iyo Dacaayadaha Siyaasadeed ee la isla dhex marayey maalmihii la soo dhaafay.

Waxa uu si cad u beeniyey inaan Kharaj lagu siiyey si uu isaga casilo Xilka Guddoomiyaha BFS.

Xildhibaan Jawaari waxa uu si cilmiyeysan u sheegay inay jireen Damacyo xooggan oo ku aadan Xilkii uu hayey, wuxuuna soo hadal qabsaday Qiso dhacday xilligii Neb Daa”uud Calayhi Salaam oo ay 3 nin isku qabsadeen cunug, iyado omid kasta leeyahay Anaa dhalay.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu Xildhibaan Jawaari iska casilay Xilkii Guddoomiyaha BFS waxaa isweyn mudan BFS ma dooran doonaan Guddoomiye Xilkas ah oo ay ka go’an tahay inuu Golahaasi ku hoggamiyo Daacadnimo, Waddanimo, iyo Hawlkarnimo iyo dhowrista Dastuurka KMG iyo Danaha Qaranka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories