HomeWararDhageyso:-Ciidamada Dowladda oo qabtay Shaqsi dilka geystay Xaafad ka mid ah M/Muqdisho

Dhageyso:-Ciidamada Dowladda oo qabtay Shaqsi dilka geystay Xaafad ka mid ah M/Muqdisho

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Xalay fiidkii ayay aheyd markii Xaafada Tokiyada ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Nin Magaciisa lagu sheegay Sayid Cali dilkiisa oo loo adeegsaday sida dadka deegaanka ay sheegeen tooreey,isla markaana markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka keysaney kadibna uu geeriyooday. Ninkaas oo da’ahaan lagu qiyaasay 25-30 ayaa la shegay in uu qabay xanuun mararka qaar […]

- Advertisement -

Xalay fiidkii ayay aheyd markii Xaafada Tokiyada ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Nin Magaciisa lagu sheegay Sayid Cali dilkiisa oo loo adeegsaday sida dadka deegaanka ay sheegeen tooreey,isla markaana markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka keysaney kadibna uu geeriyooday.

Ninkaas oo da’ahaan lagu qiyaasay 25-30 ayaa la shegay in uu qabay xanuun mararka qaar ku soo kici jiray balse xalay markii uu ku soo kacay xanuunkii uu galay Guri ku yaalla hooygiisa agtiisa ee xaafada tokiyo,isla markaana tooreey lala dhacay sidaasna uu ku geeriyooday.

- Advertisement -

Aabaha Sayid Cali oo lagu Magacaabo Xaaji Daashoow Maaneey ayaa sheegay in Wiiliisa uu dilay wiil kale oo ay mar walba wada sheekeysan jireen alakin kadib markii xanuunkii uu ku soo kacay uu u tegay Gurigooda sidaasna uu tooreyda la dhacay.

Waxa uu sheegay in aysan jirin colaad hore ee ka dhaxeysay Wiilkiisa iyo Ninka dilay,waxa uuna sheegay in Shaqsigii ka dambeeyey dilka Wiilkiisa Ciidamada Amniga ay qabteyn,isla markaana haatan uu ku xiran yahay Saldhigga degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Weli Maamulka degmada Yaaqshiid kama hadlin dilka xalay ka dhacay degmadaas,waxaana aad ula yaaban dadka ku nool Xaafada Tokiyada ee Degmada Yaaqshiid uu falka ka dhacay.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Aabaha Dhalay Wiilka la dilay oo lagu Magacaabo Xaaji Daashoow Maaneey.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories