HomeCaalamkaAadan Barre Ducaale oo Baaq Siyaasadeed u diray Mujtamaca Soomaalida Kenya

Aadan Barre Ducaale oo Baaq Siyaasadeed u diray Mujtamaca Soomaalida Kenya

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad weyn ku dhex leh Barlamaanka Kenya aya ka codsaday ragga Soomaalida ku nool dalkaasi inay sababo dhinaca siyaasadeed awgeeda u guursadaan dhowr xaas, si loo kobciyo galaangalka Siyaasadda ee Mustaqbalka. Xildhibaanka oo laga soo doorto magaalladda Garissa ee W/bari Kenya ayaa hadalkaasi ka  sheegay Bandhig Dhaqameed ka dhacay Xaafadda […]

- Advertisement -

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad weyn ku dhex leh Barlamaanka Kenya aya ka codsaday ragga Soomaalida ku nool dalkaasi inay sababo dhinaca siyaasadeed awgeeda u guursadaan dhowr xaas, si loo kobciyo galaangalka Siyaasadda ee Mustaqbalka.

Xildhibaanka oo laga soo doorto magaalladda Garissa ee W/bari Kenya ayaa hadalkaasi ka  sheegay Bandhig Dhaqameed ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobu, wuxuuna ku taliyey inay ragga Soomaalida Kenya guursadaan wax ka badan hal xaas, su ay u yeeshaan tiro ugu yeeshaan Xilalka Siyaasadda.

- Advertisement -

Wuxuuna si cad ah u sheegay inuu Sharciga Islaamka u fasaxayo iyaga inay guursadaan wax ka badan hal xaas.

“Muslim ahaan, waxaa muhiimad naloo siiyey inaan guursano ilaa 4 Xaas, si aan u soo saarno carruur badan sida ugu suurtogalsan” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan Siyaasadda xilliga Cod-bixinta, si looga saro maro kuwo kale.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Mujtamaca Soomaalida ku nool W/bari Kenya waxay ka mid yihiin Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo aan Galaangal Xooggan ku lahayn Siyaasadda iyo Haykalka Dowladeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories