HomeCaalamkaImaaraadka Carabta oo Jawaab ka bixiyey lacagtii lagu qabtay Muqdisho & tallaabada...

Imaaraadka Carabta oo Jawaab ka bixiyey lacagtii lagu qabtay Muqdisho & tallaabada xigta(WarSaxaafadeed)

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Laba Cisho kadib dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo Axadii lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho. Lacagtaas ayaa saarneyd diyaarad rakaab ah,waxana ay agareysay ilaa 9.6 milyan oo Dollar,iyada oo safaarada imaaraadka ee Muqdisho ay sheegtay in lacagtaas loo waday Ciidamo ka tirsan […]

- Advertisement -

Laba Cisho kadib dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo Axadii lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho.

Lacagtaas ayaa saarneyd diyaarad rakaab ah,waxana ay agareysay ilaa 9.6 milyan oo Dollar,iyada oo safaarada imaaraadka ee Muqdisho ay sheegtay in lacagtaas loo waday Ciidamo ka tirsan kuwa dowaldda oo uu Imaaradka tababar siiyo iyo kuwa ka tirsan Booliska Puntland.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar.

Sidoo kale  waxa ay ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinayso is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014,kaas oo ku saabsan bixinta mushaaradka Ciidamada.

Sikastaba Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ee  looga hadlay lacagtii Axadii la soo dhaafay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee ka timid Imaaraadka ayaa waxay dowladda Soomaaliya ku eedeysay in Safiirka Imaaaradka u fadhiya soomaaliya uu diiday in qalabka baarisa la marsiiyo Boorsooyinkii ay lacagta ku jirtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories