HomeWararDowladda Soomaaliya oo Magacaawday Guddi Wadashaqeyn toos ah la sameeya Hay"adaha QM

Dowladda Soomaaliya oo Magacaawday Guddi Wadashaqeyn toos ah la sameeya Hay”adaha QM

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Kulankii ugu horreeyay ee lagu qabtay shalay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay kaga dhawaaqday dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha […]

- Advertisement -

Kulankii ugu horreeyay ee lagu qabtay shalay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay kaga dhawaaqday dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay leedahay barnaamijyo horumarineed oo muujinaya muuqaalka dhaqaale, siyaasad iyo bulsho oo ka qeyb ah istiraatiijiyad ee hirgeliya hab dhamaystiran oo wax ku ool ah ee koritaanka joogtada ah, taas oo wadada u xaareysa, xoojinaysana xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kala duwan ee adduunka.
Guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay sidatan:
1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
5- Wasaaradda Amniga Gudaha
6- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka
8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
9- Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen
11- Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye.
Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories