HomeCaalamkaXildhibaan Somali-Kenyan ah oo ku baaqay in la dhimo dhaqaalaha badan ee...

Xildhibaan Somali-Kenyan ah oo ku baaqay in la dhimo dhaqaalaha badan ee lagu bixiyo Guurka

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Hoggaamiyaha Aqlabiyada badan ee Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay qalad tahay inay Dhallinyarada Kharajka Guurka ku bixiyaan 10,000 oo Dollar oo u dhiganta Hal milyan oo Shillinka Kenya, si ay u guursadaan. Waxa uu intaasi ku daray inay arrintaasi niyad-jebisay Ragga Dhallinyarada ee Guur-doonka ah. “Kharajka Guurka ee dadka Muslimiinta waa in […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Aqlabiyada badan ee Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay qalad tahay inay Dhallinyarada Kharajka Guurka ku bixiyaan 10,000 oo Dollar oo u dhiganta Hal milyan oo Shillinka Kenya, si ay u guursadaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay arrintaasi niyad-jebisay Ragga Dhallinyarada ee Guur-doonka ah.

- Advertisement -

“Kharajka Guurka ee dadka Muslimiinta waa in la dhimaa, iyadoo qay qalad tahay inay Ragga Guurdoonka ah bixiyaan lacag dhan 1 million oo Ksh ah moo u dhiganta  $10,000) si ay u guursadaan Haweenka” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Waxa uu intaasi ku daray inuu la kulmi doono Culumada Muslimiinta, gaar ahaan  Golaha Masjidka Jamia mosque, si Wacyi-gelin looga bilaabo guud ahaan dalka Kenya, six al loogu helo Kharajka faraha badan ee Guurka,

“Waxyaabahan Dhallinyarada looga codsanayo inay miiska soo saaraan 10,000 oo Dollar si uu u guursado Gabadhaada, waana in la dhameeya dhaqan noocaasi ee u ek sidii Gaari ama Alaaab laga iibsanayo Xarumaha Ganacsiga.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Aadan Barre Ducaale waxa uu ugu baaqay Dhallinyarada ka timid Deegaanka Kamukunji iyo Kenya guud ahaan si looga hortago Daroogada iyo Burcadda Dembiilayaasha.

Hoggaamiyaha Aqlbadda badan ku leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu hadalkaasi ka jeediyey  Festivalka Carwada Ganacsiga iyo Dhaqanka (The Firi Business and Cultural expo festival ) oo shalay lagu qabtay Dugsiga Sare ee Eastleigh High School ee magaalladda Nairobi.

Munaasbaadaasi oo lagu soo bandhigay  Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Suugaanta Gabayada ee Mujtamaca Soomaalida iyo kuwa aan Soomaalida ahayn.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa soo qabanqaabiyey Festival-kaasi oo ay maalgeliyeen ShirkadahaSafaricom, Kenya Power, Gulf African Bank, Nairobi County iyo kuwo kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories