HomeCaalamkaQatar oo ku baaqday in la eryo Safiirka Imaaraadka u jooga Muqdisho,...

Qatar oo ku baaqday in la eryo Safiirka Imaaraadka u jooga Muqdisho, kana digtay Qaraxyadda ka dhaca Somalia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Mid ka mid ah Taageeraayaasha Amiirka dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, sida aan ka soo xiganay Dhowr Wargeys oo Carbeed. Taageerahaaasi oo Twitter-ka ku leh cinwaanka Al-Adam / Afdak Tamim ayaa sheegay inay sii socon doonaan Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali, inta ay Imaaraadka faragelinta ku hayaan Arrimaha […]

- Advertisement -

Mid ka mid ah Taageeraayaasha Amiirka dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, sida aan ka soo xiganay Dhowr Wargeys oo Carbeed.

Taageerahaaasi oo Twitter-ka ku leh cinwaanka Al-Adam / Afdak Tamim ayaa sheegay inay sii socon doonaan Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali, inta ay Imaaraadka faragelinta ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Qaraxyadda ka dhaca gudaha Somalia ma joogsan doonaan, haddii aan Safiirka Imaaraadka laga masaafurinin Somalia” ayuu yiri Taageerahaasi daacadda u ah Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani.

Waxa kale oo uu ku baaqay in Albaabadda loo laabo Saldhigga Argagixisadda ee Somaliland ku leeyihiin Milliteriga Imaaraadka ee Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay

Goobjoogayaasha ayaa rumeysan in Aragtidiisa tahay cabsi cad oo gilgili kara Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Hadalkaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Xildhibaanad Ubaax Tahliil oo ka tirsan BFS sheegtay inaysan Alshabaab oo keliya ka dambeeynin silsiladaha Qaraxyadda joogtadda ee ka dhaca magaalladda Muqdisho, oo ay ugu dambeeyeen kuwii Jimcihii la soo dhaafay ka kala dhacay 2 bar oo ay Ciiddanka DFS ku leeyihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Isbitaalka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Qatar oo uu Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin DFS, iyadoo la sheego inay Madaxweyne Faramaajo ku taageertay Dhaqaale, si uu ugu guuleysto Madaxtinimadda Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories