HomeWararMaamul Goboleedyada oo markii ugu horeysay Xubno ku yeeshay Guddiga Dib u...

Maamul Goboleedyada oo markii ugu horeysay Xubno ku yeeshay Guddiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa la kordhiyey tirada Guddiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka,waxaana markii ugu horeysay Xubno ku yeeshay lixda  Maamul Goboleed ee xiligaan dalka ka jira. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ayaa sheegay in markii ugu horeysay guddiga lagu daray lix xubnood oo ay iska […]

- Advertisement -

Waxaa la kordhiyey tirada Guddiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka,waxaana markii ugu horeysay Xubno ku yeeshay lixda  Maamul Goboleed ee xiligaan dalka ka jira.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ayaa sheegay in markii ugu horeysay guddiga lagu daray lix xubnood oo ay iska soo xuleyn lixda maamul goboleed.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in markii lagu diray Lixda Xubnood uu Gudigu noqday 16 halka markii hore uu ahaa 10 Xubnood oo laga soo kala xulay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

16 Xubnood ayaa siwadajir ah waxa ay uga Shaqeyn doonaan dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya si loo dhameystiro,waxana horay ay wadatashiyo uga soo sameeyeen degmooyinka dalka,iyaga oo la kulmay madaxda Dowladda,Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories