HomeWarar(FAALLO): Khilaafka Xildhibaanadda iyo Faragelinta Shisheeyaha oo halis ku ah Halbeegga Dowladnimo

(FAALLO): Khilaafka Xildhibaanadda iyo Faragelinta Shisheeyaha oo halis ku ah Halbeegga Dowladnimo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xildhibaanadda BFS ee is-maan-diidsan ayaa sii gaagixiyey Xaalladda Cakiran, xilli ay DFS la daalla-dhacayso Musuq, Mucaaradnimo, Faragelinta Shisheeyaha iyo Colaadda Xaeakadda Alshabaab. Is-maandhaafka Xildhibaanadda ayaana si xooggan looga dareemay saamaynta uu ku yeeshay Hawlihii Qaranka iyo Adeegyadii Bulshadda iyo Isku-socodka Waddooyinka Muqdisho. Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in la soo abaabulay Khilaafka iyo Mooshinka ka dhanka ah […]

- Advertisement -

Xildhibaanadda BFS ee is-maan-diidsan ayaa sii gaagixiyey Xaalladda Cakiran, xilli ay DFS la daalla-dhacayso Musuq, Mucaaradnimo, Faragelinta Shisheeyaha iyo Colaadda Xaeakadda Alshabaab.

Is-maandhaafka Xildhibaanadda ayaana si xooggan looga dareemay saamaynta uu ku yeeshay Hawlihii Qaranka iyo Adeegyadii Bulshadda iyo Isku-socodka Waddooyinka Muqdisho.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in la soo abaabulay Khilaafka iyo Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha BFS, Prof. Jawaari, sida laga dheehan karo sal-fudueydka lagu abaabulay Mooshinkaasi.

Xaqiiq ahaan, ka hor Mooshinkaasi, xubnaha BFS waxay ahaayeen kuwo si Jaallenimo leh ugu mideysan Hawlaha BFS, balse, waxay xaalladu is-bedeshay 2 maalin kadib, markii uu Golaha u codeeyeen Go’aankii Shirkadda DP World ee Imaaraadka looga mamnuucay guud ahaan dalka Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaana rumeysan inuu Mooshinka soo dedejiyey Go’aankaasi, maadama ay jiraan Siyaasiyiin aan ku qancin in DP World laga mamnuuco inay ka hawl-galaan guud ahaan Dekeddaha Somalia.

- Advertisement -

14-kii bishii March ee la soo dhaafay ayuuna soo shaac baxay Khilaafka Xildhibaanadda taageersan Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanadda kale ee Wasiirada ka ah Xukuumadda Kheyre.

Khilaaf-siyaasadeed, Hardan iyo Kooxeysi ayaana ka dhex bilowday Garabyadda BFS, waxayna Xildhibaanadda isbuucii hore ku sigteen inuu dhex maro Dagaal Gacan-ka-hadal iyo mid hubeysan, inkastoo ay markii dambe ay xubno ka tirsan Beesha Caalamka bilaabeen Dhexdhexaadinta Guddoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo.

Weli, xaalladu waa cakiran tahay, inkastoo uu bilowday Dadaal lagu doonayo inay Labada Garab ku wada hadlaan, si lo oxaliyo Khilaafka ka dhashay Mooshinka Xil-ka-qaadista.

Inkastoo uu Khilaafka Xildhibaanadda uu weli taagan yahay, haddana waxaa Xaalladda sii ololinaya Faragelinta Shisheeyaha iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee gacan-saarka leh dalalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Faragelinta shisheeyaha ayaa la rumeysan yahay caqabadda ugu weyn ee nusqaaminta ku ah Halbeegga Dowladnimom iyadoo ay Hawlihii Golaha Fulinta u muuqdaan kuwo ku shiiqmay Xarig-jiidka Xildhibaanadda BFS.

W.Q. Cabduqaadir Jakaarta

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories