HomeWararDhageyso:-Guddigii Wadahadallada ku matalayey gudoomiye Jawaari oo War soo saaray

Dhageyso:-Guddigii Wadahadallada ku matalayey gudoomiye Jawaari oo War soo saaray

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Caawa Muqdisho waxaa ka socda kulamo kala duwan oo xasaasi ah kaas oo ay yeelanayaan xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xildhibaannada difaacayay. Kulamadaan ayaa daba socday kadib amarkii duhurtii Axada Maanta uu gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xabduweli Muudeey uu xildhibaanada farriimo ugu diray in Berito […]

- Advertisement -

Caawa Muqdisho waxaa ka socda kulamo kala duwan oo xasaasi ah kaas oo ay yeelanayaan xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xildhibaannada difaacayay.

Kulamadaan ayaa daba socday kadib amarkii duhurtii Axada Maanta uu gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xabduweli Muudeey uu xildhibaanada farriimo ugu diray in Berito la qaban doono kulanka Golaha Shacabka,isla markaana looga doodi doono mooshinka laga keenay Jawaari.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa Caawa Xildhibaanada la baxay Badbaadada Baarlamaanka ay shir  shir jaraa’id oo ay ku qabteyn Xarunta Villa Hargeysa kaga hadleen qodobo dhowr ah,iyaga oo ka soo saaray digniin ku aadan in aan sisharci aheyn loo fuliyo abaabulka socda ee ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) ayaa sheegay in kulankii shalay ee Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in aan Saxaafada lala hadlin laakin ay nasiimxumo noqotay in gudoomiyaha baarlamanka oo Maanta la fadhiyo in uu u soo dhacay Farriin gudoomiye kuxigeenka 1aad uu ku sheegayay in kulanka mooshinka Jawari cod loogu qaadayo uu jiro.

“Runtii waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mid ah in Caawa aan maqleyno in Xaruntii Baarlamaka la geeyey waxka badan 200 oo Askari lagana dhigay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,lakin waxan idin sheegayaa hadii amdaxweynihii Dastuurkaan iyo Sharciga jira lagu soo doortay uu jebiyo in aan mesha leysla wada joogi doonin ayuu yiri xildhibaanka”

- Advertisement -

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ay nasiibdarro sidoo kale ay tahay in Xaruntii Baarlamaanka laga dhigo furun dagaal,isla markaana Xildhibaanada oo xasaanad leh ciidan lahordhigay ayna adag tahay in uu soo galo xarunta.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories