HomeWararSawirro:-Danjire Cali Siciid Fiqi oo Maanta hortegay Golaha Aqalka Sare

Sawirro:-Danjire Cali Siciid Fiqi oo Maanta hortegay Golaha Aqalka Sare

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday qorshe howleedka kala fadhiga saddexaad ee Golaha,iyagoo dhanka kale warbixin ka dhageystay safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi oo maalmihi u danbeeyay ku howlanaa Arrimaha soo daad gureynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysnaa dalka Liibiya. Fadhiga oo ay ka soo qeyb […]

- Advertisement -

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday qorshe howleedka kala fadhiga saddexaad ee Golaha,iyagoo dhanka kale warbixin ka dhageystay safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi oo maalmihi u danbeeyay ku howlanaa Arrimaha soo daad gureynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysnaa dalka Liibiya.

Fadhiga oo ay ka soo qeyb galeen 36-Senator ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare,waxaana marka hore Golaha Aqalka sare ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen qorshe howleedka kalafadhiga saddexaad ee Golaha Aqalka sare,maadama ay horyaalaan howlo muhiim u ah Qaranka.

- Advertisement -

Dhanka kale, Golaha Aqalka sare ayaa warbixin ku saabsan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadamada caalamka gaar ahaan dalka Liibiya ka dhageystay Danjire Cali Siciid Fiqi.

Wuxuu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi iney jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar oo ku dhibaateysan dalka Liibiya,islamarkaana iyadoo taasi laga duulayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu amar ku bixiyay in loo gurmado dhalinyaradaasi oo ah mustaqbalka dalka.

“ Markii aan aragnay in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed lagu kala iibsanayo dalka Liibiya,waliba loo adeegsanayo guri nadiifin,dhuxul lagu rarto iyo beero falid ayaan go’aansanay inaan inta karaankeena ah u gurmanayo dhalintaasi si dalka loogu soo celiyo,Alle Mahadii waan ku guuleysanay inkastoo wali ay jiraan dhalinyaro badan oo hablo iyo Wiilal leh oo wali xabsiyada dalka Liibiya ku jira,” Ayuu yiri Danjire Cali Siciid Fiqi.

- Advertisement -

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dib u soo celinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysnaa dalka gacan ka siiyeen Hay’adaha Qaramada Midoobay Arrimaha ku shaqada leh sida Hay’adda Socdaalka Aduunka ee loo yaqaano IOM,isagoona dhanka kale sheegay in dhaqaalo fara badan kaga baxday qorshahan.

Qaar ka mid ah Senatarada oo Arrintaan ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Dowladda iyo safiirka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loogu damqan lahaa dhalintaasi dalkana dib loogu soo celin lahaa,waxayna isku raaceen in qaraar qarameed laga soo saaro.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa carabka ku dhuftay inaan dalkeenna ka jirin baahi looga cararo,balse loo baahan yahay in laga gudbo reer hebel loona qumo dariiqda saxda ee lagu gaari karo Dowladnimo.

Wuxuuna; Guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in si wadajir ah loo wajaho dhibaatada dalka ka jirta,isagoona Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi ka dalbaday inuu u soo gudbiyo warbixinta dhibaatada tahriibka oo qoraal ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories