HomeCaalamkaIGAD oo laga dalbaday in kulan deg deg ah ay ka yeeshaan...

IGAD oo laga dalbaday in kulan deg deg ah ay ka yeeshaan xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Somalia

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Weli waxa taatgan xiisada Siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyada oo iskudayo badan oo lagu xalin lahaa ay fashilmeen. Urur Goboleedka IGAD ayaa laga dalbaday in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xiisayada Siyaasadeed ee ka taagan dalka taas oo curyaamisay howlihii Shaqo ee Golaha […]

- Advertisement -

Weli waxa taatgan xiisada Siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyada oo iskudayo badan oo lagu xalin lahaa ay fashilmeen.

Urur Goboleedka IGAD ayaa laga dalbaday in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xiisayada Siyaasadeed ee ka taagan dalka taas oo curyaamisay howlihii Shaqo ee Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wadamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD in ay kulan deg deg ah ka yeeshan xiisadaas,si loo dhowro guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay amniga iyo xasiloonida.

Waxa kaloo uu sheegay in aysan aheyn in imaaradka Carabta uu hoos u dhigayo awooda Madax banaanida dadka Soomaaliyeed iyo tan Baarlamaanka xili bilihii la soo dhaafay la hadal hayey in Imaaraadka Carabta ay faragelin ku heyso Soomaaliya.

Mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaan weli wax xal ah laga gaarin,waxana ku kala qeyb samay Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya,waxaana hakad ku jira howlhii dowladda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories