HomeCaalamkaGuddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulankaan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dar dar gelin laheyd taageerada ay Baarlamaanka Soomaaliya siiso. Sidoo kale kulanka waxaa […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulankaan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dar dar gelin laheyd taageerada ay Baarlamaanka Soomaaliya siiso.

Sidoo kale kulanka waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiinta Hay’adda TIKA oo ah hay’adda dib u dhiska ku sameyneysa Xarunta ku meel gaarka ah  ah ee golaha shacabka.

- Advertisement -

Waxay aheyd 10-kii bishii Maarso ee sanadkan markii  heshiis ku saabsan dhismaha xarunta golaha shacabka ay kala saxiixdeen guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya,waxaana dhismaha xarunta uu socon doonaan mudo halsano ka yar.

Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa uga mahad celiyay dowlada turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba u garab taaganyihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hada ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories