HomeCaalamkaDowladda Jabuuti oo joojisay Duullimaadyada Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka ee saldhigga ku leh...

Dowladda Jabuuti oo joojisay Duullimaadyada Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka ee saldhigga ku leh Jabuuti

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Jabuuti ayaa amartay in la joojiyo dhamaan Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka, kadib, markii ay Diyaaradahaasi khalkhal geliyeen Ammaanka Hawada Sare ee Jabuuti. Dowladda Jabuuti waxay Qoraal Diplomaasiyadeed u dirtay Maraykanka oo loogu baaqay in la joojiyo duullimaadyada Diyaaradooda Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey inay Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka ku lug lahaayeen 2 […]

- Advertisement -

Dowladda Jabuuti ayaa amartay in la joojiyo dhamaan Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka, kadib, markii ay Diyaaradahaasi khalkhal geliyeen Ammaanka Hawada Sare ee Jabuuti.

Dowladda Jabuuti waxay Qoraal Diplomaasiyadeed u dirtay Maraykanka oo loogu baaqay in la joojiyo duullimaadyada Diyaaradooda

- Advertisement -

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey inay Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka ku lug lahaayeen 2 Shil oo Isbuuci ihore ka dhacay Jabuuti.

Shilka Koowaad ayaa la sheegay inay Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa AV 8B HARRIER ku burburtay  Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Jabuuti.

Duuliyihii Diyaaradda ayaa la sheegay inuu ka badbaaday Shilkaasi, kadib, markii uu BAARSHUUD kaga booday.

- Advertisement -

Diyaarad kale oo ay leeyihiin Milliteriga Maraykanka ayaa si halhaleel ugu degtay Xeebta magaalladda Carta

Dhinaca kale, Dowladda Jabuuti waxay kaloo amar ku bixisay in la joojiyo Carbis Milliteri oo haatan ka socday meel ka baxsan Xeebaha Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Jabuuti waxa haatan ku sugan ku-dhawaad 4-kun oo Askar Maraykan ah., kuwaasi oo Hawlgalo Duqeyn ah ka fuliya dalalka Somalia iyo Yemen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories