HomeWararCiidamo lakala dhex dhigay Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Xaafado ka mid ah Deeyniile

Ciidamo lakala dhex dhigay Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Xaafado ka mid ah Deeyniile

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Shalay ilaa xalay waxaa dagaalo qaraar ay Xaafado ka tirsan degmada Deeyniile ku dhexmarayeen Ciidamo kawada tirsan dowladda,balse qabiil u abaabuleen. Dagaalkaas ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad Shacab ah u badan Iyo barakaca kuwo kale oo deganaa Xaafadaha lagu dagaalamay ee 77 Iyo Haanta Dheer ee Degmada Deeyniile. Saraakiil ka tirsan […]

- Advertisement -

Shalay ilaa xalay waxaa dagaalo qaraar ay Xaafado ka tirsan degmada Deeyniile ku dhexmarayeen Ciidamo kawada tirsan dowladda,balse qabiil u abaabuleen.

Dagaalkaas ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad Shacab ah u badan Iyo barakaca kuwo kale oo deganaa Xaafadaha lagu dagaalamay ee 77 Iyo Haanta Dheer ee Degmada Deeyniile.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaaliya ayaa Dalsan waxa ay u xaqiijiyeen in Ciidamo laga diray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga la geeyey goobihii lagu dagaalamay,iyaga oo kala dhexgalay Ciidamadii dagaalamay.

Dadka ku nool Xaafadaha lagu dagaalamay ayaa iyana waxa ay sheegeen in Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay goobta tageen,balse ay arroor hore isaga tageen maleeshiyaadkii dagaalamay oo watay Gaadiidka dagaalka iyo Tuutaha Ciidanka.

Dagaalka ka dhacay Xaafadaha Haanta Dheer iyo Xerada 77 ayaa ah mid soo laab laabtay,waxaana ay u muuqataa in dowladda Soomaaaliya ay xadidi la’dahay waxka qabashada dagaaladaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories